Thursday, June 12, 2008

XISBIGA KULMIYE OO U HIILIYEY JABUUTI

Xisbiga KULMIYE oo Cambaareeyey weerarka Erateriya ku qaadday Jabuuti

June 12th, 2008

Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland ee KULMIYE ayaa ku cambaareeyey dowladda Eriteriya dagaalka ay la gashay Jabuuti. Waxana uu ugu baaqay dowladda Eriteriya inay joojiso duullaanka ay ku soo qaadday dalka yar ee ugu xasilloonida badan gobolka ee Jabuuti, wadahadalna lagu dhammeeyo khilaafka.

Xisbiga KULMIYE, warsaxaafadeed uu ka soo saaray maanta dagaalka ka dhex qarxay Jabuuti iyo Erateriya oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga, mudane Keyse Xasan Cige, waxa uu ku tilmaamay dagaalkaas oo uu ku eedeeyey Erateriya inuu wax u dhimayo xasilloonida iyo nabadgelyada gobolka Geeska Afrika.

Waxana uu yidhi, warsaxaafadeedku:

"Hogaanka Xisbiga KULMIYE wuxuu cambaareynayaa duulimaadka ay Xukuumadda Erateriya ku soo qaaday Waqooyiga Jabuuti maalintii Salaasada ee bisha Juun ahayd 10, 2008.

Waxaanu aad uga xunnahay weerarkaasi ay Erateriya ku soo qaaday Jabuuti oo aanu u aragno midaan loo baahnayn wakhtigan la joogo oo Dadweynaha ku nool Gobolkani iyo guud ahaan adduunkuba ay soo food saareen dhaqaale xumo, sicir barar iyo macaluuli.

Waxaanu aaminsanahay in weerarada noocan ahi aanay waxba ku soo kordhinaynin nolosha iyo wadciga dhabta ah ee yaala Gobolkan, haseyeeshee ay ku sii siyaadinayaan dhibaatooyin iyo duruufo adag oo hoos u dhiga adeega aasaasiga ah ee nolosha bulshada ku nool labada waddan ee Jabuuti iyo Eriteriya iyo guud ahaan Gobolka Geeska.

Waxaynu ognahay inay Jabuuti ka mid tahay goobaha ugu xassiloon Gobolka Geeska Africa, sidaa daraadeed aan loo baahnayn in wax loo dhimo degenaanshahaasi, kaasoo saamayn weyn ku yeelan kara nabbada iyo xassiloonida Gobolka guud ahaan.

Waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadda Eriteriya inay joojiso weerarada aan waxba soo kordhinaynin, laguna dhameeyo arrinta ka dhaxaysa labada wadan ee Jabuuti iyo Ereteria wadahadal".       

 Magaalada Hargeysa oo xidhiidh la leh Jabuuti ayaa si weyn looga dareemay dagaalka ka dhex qarxay Jabuuti iyo Erateriya, iyada oo ay dadku iska waraysanayeen ilaa shalay dagaalkaas, aragtiyo kala duwanna ay ka bixinayaan.

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: