Monday, March 10, 2008

ANIGU ODHANMAAYO DR.AXMED XUSEEN XISBIGA WAA LAGU SOO DHEXTUURAY

Waxa la yaab leh nolashu kolka qofku shaki iyo salal la walaaloobo. Waxa Jawaab ka soo celiyey maqaal aan hore Dr.Axmed Xuseen inta caqligeygu dhan yahay kula taliyey, Eng. Yusuf Axmed , oo halkuu ku daadafeyn lahaa amba ugu taageeri lahaa arrimaha aan walaalkay ku dhaliyey ku soo koobay sidan

1- Waxay ahay dinaad g,ooni ula taliso. Oo noqonaysa arrimaha aad sheegtay waa sax ee ma ahayn mid dadweynaha loo soo bandhigo. Haddaba taas jawaabteedu waa, Dr.Axmed cidda uu la hadlayaa iyo cidda uu wax ka doonayaa waa dadweynaha. Kelina waan u arkay inkasta oo ay ahayd xili uuna si toos ah u caddeyn tartankiisa, waanan u sheegay sida ay ila tahay in Kulmiye guusha ku gaadhi karo. Waxaa se hubaal ah in siyaasiga madaxnimo doonka ah, ayna joojinayn fariin gaar loogu sheegay. Waxuu cabiraa kuleelka siyaasadda kolka uu dadweynaha isku dhex tuuro, waana in runta loogu dhex sheegaa saaxadda siyaasadda si uu u dareemo xumadeeda.
2- Tan labaad Enjineerku waxuu meel kaga dhacay shakhsiyadeyda, waana gef if iyo aakhiraba ciqaabteeda leh. Waxuu iga dhigay nin cidi ku shaqaysato. Waan mid dabcigeyga ka dheer, Wallaan cid arrintan la wadaagin qofna ha ahaatee. Ma ihi dhuuniraac, mana ihi cid la col ah Dr, Axmedna maalina xumaan umaan qaban. Waxaan arkaa in dariiqa uu marayaa halis u yahay inuu Rayaale inagu soo celiyo. Waa taas tan keliya ee fikirkeygu ku fadhiyaa. Rayaalana shakhsi iyo reernimo midna uma necbi, ee waxaan qiimeeyaa waa xumaanta iyo dhibaatada inta uu talada hayey Soomaliland soo gaadhay. Waana rayi shakhsi ah oo anigu six or ah u gaadhay.
3- Anigu ma odhan karo Dr.Axmed garabkaa la soo taabtay, fariinbaa loo soo dhiibay, waa nin lagu soo dhextuuray xisbiga iwm. Eng. Yuusufow ka daa dadkaad doodad la wadaageyso xajiinta iyo qof cayga. Kala hadal nuxurka doodooda oo dooda inoo qodobee. Halkeed ku diidantay arrimaha aan kula taliyey Dr. Axmed, aadmi ayaan ahay fikirkiisa u xor ah balse ogol in loo caqli celiyo oo maskax furan, qaadana kara waxii loo tilmaamo ee loo hagaajiyo.

Haddaan intaas kaga baxo jawaabtii Eng. Yusuf Axmed, waxa iyana emailkeyga gaarka ah ugu soo dhacay fariimo kor u dhaafay afartameeye. Waxay u kala kacaan 8 cay ah, 10 leh waan kugu raacsanay ee reer waliba kooda qaldan wuu qariyaa ee maxaa inga saaxadda ina dhigay. 18 igau aad ugu farxay qabana inay wax weyn ka tari doonto aragtida Dr. Axmed iyo taageerayaashiisa, oo ay iyagu ka mid ahaayeen bal se ay u arkeen inay tahay mid aan xiligan ku habboonayn. 9 qof oo iyagu isku sheegay inayna reerka Axmed ka tarsanayn, waxay laba si kuuban u yidhahdaan “ Maanta iyo berriba waa Rayaale amba qayli amba durbaan tumo” &da kale waxay u arkaan in tartanka Dr.Axmed wiiqay Kulmiye, loona baahan yahay in Diktoorka lagu soo dabaalo danta guud ee xisbiga, kama maarano isna nagama maarmo, ee wey iman maalin Axmed ku habboon tartanka ee manta haynala arko sida iyo meesha guushu ku jirto. Colkan oo 3 isku tilmaameen Burco Galbeed, 2 Burco berry iyo 2 isku sheegay reer Baligubadle, aragtidoo oo koobani waa Dr. Axmed oo kaalin ka weyn tan shakhsi qaata. Dalku waxuu u baahan yahay badbaado, ee yaanu madaxmarin kursi, tartankiisu dulmiga Ina Rayaale inagu soo celinaayo.

Anigoon dib ugu noqonayn Inaadeerkey Dr. Axmed oon ku kalsoonay inuu ila garan doono waxa igu kelifay dhawaaqan, waxaan isaga iyo inta kale ee tartameysaba ka codsanayaa inay hoos u eegaan dalku halka uu maraayo, iyo sida Kulmiye u noqon karo xisbi hoggaanka qabta. Waad aragtaan awoodda ku uruurtay Ina Rayaale iyo sida qaabka xun ee uu u isticmaalaayo. Waxa keliya ee lagu guuleysan karaa waa midnimo. Tan oo kale wey ina soo martay, waana inanu taariikhda dib u raacnaa, qaadanaa sida dhibti manta jirta aynu uga bixi karno. Yeynaan noqon doqonkii laba iyo tobanka indhood lahaa ee 11 waalaalihii iskaga eegi jiray, midna qodaxda, een marna arag waxa cadowgiisu maagan yahay.
Shirka KUlmiye ha guuleysto, isaga ayey dantu ku jirtaa ee reer Kulmiyow dalku idinkuu idin sugayaa ee u sare kaca oo gacmaha is qabsada.

Ahmed Hajidhaboolaq
dhaboolaq@gmail.com