Sunday, June 15, 2008

GUURTIDA SOMALILAND

Golaha Guurtida oo ansixiyey wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta oo uu wax ka sii beddeley

June 15th, 2008

Hargeysa (Somaliland.org) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhi uu maanta yeeshay ku ansixiyey wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta, Xeer No. 37/2007.

Golaha Guurtida oo shalay bilaabay kalfadhi aan caadi ahayn oo uu isugu yeedhay, mudane Daahir Riyaale Kaahin, si uu u ansixiyo wax ka beddelka xeerkaas oo ka soo gudbey Golaha Wakiillada, waxa uu ansixiyey kadib markii uu wax ka beddeley qodobada qaarkood iyo qaabka loo dhigay hadalka qaarkii.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhigaa guddoominayey ayaa sharraxaad ka bixiyey wax-ka-beddelka Xeerka, isaga oo sheegay in aan la laalin xeerka, balse, wax-ka-beddelkan lagu dhaqmayo labada doorasho ee soo socda – Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka – oo keliya. Waxana uu sheegay in wax-ka- beddelka xeerkaasi uu ku yimi heshiiskii Saddexda xisbi ka gaadheen khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka aloosnaa.

Shirguddoonku waxa uu u soo jeediyey Golaha wax-ka-beddel ay ku sameeyeen qodobka 11aad ee xeerka, kaas oo dhigaya in Komishanka iyo Saddexda xisbi ay heshiis ku gaadhayaan waqtiga ay qabsoomayaan diiwaangelinta iyo Doorashooyinka. Waxayna u dhigeen qodobkaas in Komishanka iyo Saddexda xisbi ay heshiis ay wadagaadheen ku soo jeedinayaan wakhtiga la qabanayo diiwaangelinta iyo doorashooyinka.

Wax-ka-beddelka Xeerkaas waxa ogolaaday 45 mudane, waxa diidey hal mudane, cid ka aamustayna ma jirto, iyada oo ay golaha fadhiyeen 47 mudane, Guddoomiyuhuna aanu codayn.

Xeerka Diiwaangelinta oo caqabad ku noqday qabashada doorashooyinka ayaa xisbiyadu ku heshiiyeen in wax-laga beddelo. Waxaana laga saaray xeerkaas 12 qodob oo ka mid ahaa kuwa caqabadda ku noqday doorashada.

Xeerkan waxa kale oo aad u danaynaya Deeqbixiyayaasha oo wax-ka-beddelkiisa ku xidhay kaalmada dhaqaale ee ay ku bixinayaan diiwaangelinta iyo doorashooyinka Somaliland.

 
 

C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

No comments: