Friday, June 13, 2008

TIKNIKADII MADAXWEYNAHA OO LAGA RAYSTAY

Madaxweyne Riyaale Oo Markii U Horeysay Madaxtooyada Ka Soo Baxay Isaga Oo Aan La Socon Tikniko

June 13th, 2008

Madxweyne Daahir Riyaale ayaa shalay markii u horaysay ka soo baxay qasriga madaxtooyadiisa isagoo aanay dabayaacayn gaadhida tiknikada ee barbar yaaci jirtay sidii awal hore caadada u ahayd ilaalada madaxtooyada.

Riyaale oo shalay ka qayb galay xaflad ka dhacday wasaarada waxbarashada ayaa halkaas yimid iyadoo aanay la socon gawaadhida tinkikada ah, taas oo aan hore looga baran marka uu ka qayb galayo xafladaha noocan oo kale ah iyo markasta oo uu madaxtooyada ka soo baxo.

Inkastoo ay Madaxweyne Riyaale la socdeen ilaaladiisa khaaska ahi hadana waxaan meesha ka muuqan gawaadhida dagaalka ee raaci jirtay iyo qoryaha culculis ee ay ilaaladiisu had iyo jeer caanka ku ahayd isku marmaraan sida silsiladaha PKM.

Arrintan ayaa waxay ku soo beegantay maalin ka dib markii ay qallinka ku duugeen axsaabta mucaaridka iyo xukuumada heshiis lagu soo afjaray khilaafaadkii.

Waxaanay taasi u muuqatay inay culays fara badan ka dul qaaday madaxweyne Riyaale oo uu cabsi badan ka qabay dhinaca mucaaridka.

Madaxweyne Riyaale oo shalay ay muuqtay kalsooni badan ayaa xafladii ka dib waxa uu isagoo gaadhigiisa xaga dambe fadhiya gacmaha u haadiyay tiro dad ah oo ku soo wasaarada waxbarashada horteeda waxaanay isaga iyo dhawrkii gaadhi ee lasocday ay u dhaqaaqeen wadada qabata miiska saraakiisha halkaas oo uu booqasho kedis ah ku tagay halkaas oo uu warbixin kaga dhagaystay taliyaha ciidanka qaranka Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka.

Madaxweyne Riyaale oo 15May ay ka dhamaatay shantii sanno ee xilka loo doortay ayaa waxay u muuqataa inuu maanta oo aanu ku fadhiyin doorasho uu kaga kalsooni badan yahay shantii sanadood ee codka dadweynaha ku fadhiyay kursiga, isagoo hab-dhaqankiisii hore ahaa mid lagu ilaaliyo Army culus sidii keligii taliye inqilaab ku qabsaday xukunka.

Inkastoo hab-dhaqankani yahay mid aad u fiican hadana waxa aan wali meesha ka bixin wasiiro badan oo inta ay xafiisyadooda soo banaeeyaan hadba iska soo buuxiya xaflada madaxweynuhu ka qayb galayo taas oo culays ku keenta goobta xafaladu ka socoto iyo madaxweynahaba iyaga oo had iyo jeer dhaqan ay u tahay inay u baratamaan marka uu gaadiidku socdo in mid walba uu noqdo ka ku xiga gaadhiga madaxweynaha, taasoo keeni karta shilal.

Source: Haatuf

No comments: