Tuesday, June 10, 2008

UDUB IYO GUULWADEYN

Xisbiga Udub Oo Ay Wadhi Ka Raacday Dad Ay Ku Sheegeen Inay Kulmiye Ka Soo Baxeen Oo Iyagiina Beeniyay

April 2nd, 2008

 Hargeysa(Geeska)-Xisbiga xukuumiga ah ee UDUB ayaa shalay ku ceeboobay xaflad loo sameeyay dad tiro badan oo ay masuuliyiin xisbiga ka tirsani sheegeen inay ka soo baxeen xisbiga KULMIYE, balse iyagu beeniyay inay yihiin dad ka soo baxay xisbiga KULMIYE kuna biiraya xisbiga UDUB….

Masuuliyiinta xisbiga UDUB ayaa shalay xarunta xisbigasi ee Hargeysa ku qabtay xaflad ballaadhan oo loo sameeyay dad tiro badan oo ay sheegeen inay ka soo baxeen xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE islamarkaana ku biirayaan xisbiga xukuumiga ah ee UDUB. Hase yeeshe dadkii madasha joogay ee xafladda loo sameeyay ayaa mar qudha isla oogsaday buuq iyo qaylo, iyagoo ku dooday inaanay ahayn dad ku soo biiray xisbiga UDUB oo ka soo baxay xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha nabadgelyada iyo difaaca ee xisbiga UDUB Cabdillaahi Caray Jaamac, oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi, "Marka laba qolo isku soo biirto ama isa soo ag degto, waxa la yidhaahdaa walaal maxaan kaa dhowraa, wuxuu ninkii kaga jawaabay wixii adiga lagaa dhowraa anigana la'iga dhowraa, markaa wixii idinku xumaa anana way nagu xun yihiin, waxaanu idinka dhowraynaa wax Alaale wixii idinku xun, waxaanu idinku soo dhawaynaynaa xisbi xor ah oo xalaala oo aan la kala lahayn, oo aan lahayn hebelbaa aasaasay iyo maantuu bilaabmay, markaa maanta waxaan idiinku mahad naqayaa haddii aad Kulmiye kasoo baxdeen haddii aad Maskaxdiina ka shaqaysiiseen, haddii aad istidhaahdeen horumarkii iyo wanaagii, nabadii iyo walaalnimadii xagay idinka xigtaa, oo aad garateen inay xaga UDUB idinka xigto waad ku mahadsan tihiin."
Oday Axmed Maxamuud Ibrahim
Oday Axmed Maxamuud Ibrahim, oo ka mid ahaa dadkii masuuliyiinta KULMIYE ku sheegeen inay ka soo baxeen KULMIYE, ayaa hadalkaas masuulka UDUB ka soo yeedhay ka cadhooday, waxaanu yidhi, "Waaryaa, kamaanaan soo bixin Kulmiye, xaafad baanu nahay loo yeedhay, wixii lanoogu yeedhay lanooma sheegin, hanagu odhanin Kulmiyay ka soo baxeen.
Waxa la yidhi Wasiirka Arimaha gudaha ayaa idiin yeedhay, markaa Wasiirkii noo yeedhayna ma joogo, markaa waxaanu ogaanay in xisbiga UDUB dhexdiisa la nooga yeedhay, Wasiir noo yeedhayna aanu jirin, sidaa daradeed anagu anagoo aan xisbina ku jirin, marka Doorashada la galayo ayuun baa dadka wax qabadka la xusuusiyay, mar kale waxba lama qabto ee ninku meeshuu doonayay gaadho, markaa haddii aanu nahay xaafada Lixle, qoladii na afgarata ee aanu isfahamno ayuun baanu u tumi doonaa, una codayn doonaa, halgami doonaana, sidaa daraadeed codkan halkan la nagu keenay iyada sida uu u dhisan yahay iskumaanaan ogayn wax aanu ku  nimidna ma ahayn, markaa waxaan ka xanaaqay anaga oo aan Kulmiye ka soo bixin ayaa la nagu yidhi Kulmiyay ka soo baxeen, markaa anaga Kulmiyana la nagu dhufan maayo, xisbi kalana la nagu dhufan maayo, Kulmiyana kamaanaan soo bixin."
Fakashadii Wasiirka Daakhiliga
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo ka mid ahaa masuuliyiintii xafladaas lagu soo casuumay ayaa si sibiq ah halkaas uga baxay. Lama garanayo sababta rasmiga ah ee keentay inuu Wasiirku ka baxo xafladaas lagu soo casuumay. Hase yeeshe qaar ka mid ah dadkii xafladda joogay ayaa tilmaamayay in Wasiirku xafladda ka baxay ka dib markii uu dareemay dhabaqa ku soo fool leh xafladda.

Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa…

No comments: