Friday, June 13, 2008

GARGAARKA UNDP EE BOLISKA

Top of Form


 

Bottom of Form

June 12, 2008

Hay'adda UNDP oo Deeq ka Kooban 21- Gaadhi Ku Wareejisay Xukuumadda Somaliland.

Hargeysa, (Harowo) - Wasiiradda Wasaaraddaha Arimaha Gudaha iyo Cadaaladda somaliland ayaa maanta ka gudoomay 21-Gaadhi oo ay Hay'adda Qaramada midoobay u qaabilsan Horomarinta Mashaariicda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNDP, ugu deeqday Dawladda Somaliland Gaar ahaan Maxkamaddaha iyo Booliska.

Munaasibad balaadhan oo loogu tala galay kala gudoomista Gaadiidkan laguna qabtay Xarunta Hay'adda UNDP ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiradda Wasaaradaha Arimaha Gudaha, Cadaaladda, Madaxda Booliska, Asluubta iyo Masuuliyuiintii Wefdiga UNDP ee socdaalka ku yimiday dalka Maalintii shalay oo ay weheliyaan madaxda Hay'addaas ee Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arimaha Gudaha Somaliland Md. C/laahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo gudoomista deeqdaa hadal kooban ka jeediyay ayaa si wayn uga mahad naqay deeqdaas iyo sida wanaagsan ee ay Hay'adda UNDP ula shaqayso Somaliland Wasiirku waxa uu xusay in deeqdaas ay gaadhsiin doonaan kagana shaqayn doonaan halkii ay hay'addaasi u qorshaysay.

Wasiirka Arimaha Gudaha Md. C/laahi Cirro waxa hadalkiisi uu halkaa ka jeediyay ka mid ahaa "Hadyadan qiimaha leh ee aad noo soo gudbiseen waan idiinka gudoonay mana ah markii ugu horaysay ee aad deeqdan oo kale noo keentaan Somaliland, waxaanu balan qaadaynaa in aanu wixii aad noola niyooteen aan ku camal falno oo aanu shaqadaasi ku qabano oo aanu ku fulino hawsha nabad galyadda iyo booliska, arimo badan oo aad hore nooga caawiseen sida isgaadhsiintii aad bariga dhawd nagu wareejiseen, tababaradda iyo joogtada aad noola daba joogtaan booliska sidaad sare noola kicin lahaydeen aad iyo aad baan idiinka mahad naqaynaa waxaanu balan qaadaynaa mar labaad inaan baabuurtaa xanaanayno, madaxda booliskana waxaan ku ad kaynayaa in baabuurtaa la dhawro oo la xanaaneeyo oo shaqadooda waxaan ahayn aan lagu qaban, aad iyo aad baan anaga oo umadda somaliland matalayna idiinka mahad naqaynaa UNDP-na waxaan leeyahay soo dhawaada." Ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Guduhu.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Wasiirka Caddaaladda Somaliland Md. Axmed Cali Casoowe oo isagu tilmaamay in baahiyo badan ay jiraan deeqdana ay qayb yar ka noqonayso ama daboolayso baahidda dalka taala oo ay keentay aqoonsi la'aantu taasina ay xanibtay sidii uu dalkani horumar u samayn lahaa, Wasiirku waxa uu xusay in deeqdani tahay mid loo baahnaa balse mid ka badan loo baahan yahay oo aanay wax badan ka daboolayn baahiyaha jira dalka.

Wasiirka Caddalada somaliland waxa uu sheegay in gawaadhidan ay UNDP bixisay ay tahay mid wax lagaga qabanayo nabad galyada iyo cadaaladda taasina ay tahay qorshaha dawladda somaliland in dadku helaan garsoor iyo nabad galyo wasiirka waxa hadaladiisi ka mid ahaa "Baahi baddan ayaa taala somaliland Dalkanina waa dal burburay oo aan caalamka Ictiraaf ka helin Mashaariicdaa aad idiinku wadaan mooye kaalmo kale oo uu dunida ka helaa ma jirto, meeshaad taabataba baahi baa jirta deeqdan aad keenteena baahidaa uun bay qayb yar ka daboolaysa." Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlaya gaadiidkan iyo qorshaha loogu tala galay iyo sida ay u yihiin qorshaha xukuumada waxa uu yidhi "Gaadiidkan aad na siiseen ee nabad galyadda aad noo horumarinaysaan somaliland muhiimada koowaad bay u tahay, nabad galyadu waa noo halbowlaha koowaad, markaa wax kasta oo booliska iyo nabadgalyadda la tarayana waanu soo dhawaynaynaa, marka labaadna in cadaalad dadku helaan oo xuquuqda insaanku korodho oo hay'addihii ka shaqynayay la helo waanu rabnaa, imikana Asluubtii way dhiman tahay maxkamadihii wax badan uma hayno oo lix maxkamadood oo qudha ayaan u haynaa, gaadiidkan waanu ilaalinaynaa sidii wasiirku sheegay, lixda maxkamadda rafcaan ee loogu tala galayna waanu gaadhsiinaynaa oo way ka hawl galayaan." Ayuu Wasiirku hadalkiisa ku soo gooyay.


 

Munaasibaddan lagu kala gudoomayay deeqdaa gaadiid ee ay Hay'adda UNDP ku caawisay xukuumadda somaliland oo ay ku sugnaayeen Guddoomiye ku xigeenka Wadaamada Carabta u qaabisan laanta horumarinta mashaariicda Qaramadda Midoobay ee UNDP oo xafiiskiisuna yahay magaaladda New York ee dalka maraynkana iyo Agaasimaha laanta UNDP ee fadhigiisuna yahay Nairoobi iyo Madaxa Somaliland, waxa hadalo mahadnaq iyo dhiiri galin ah ka jeediyay oo kale Madaxdaa ka tirsan Hay'addaas kuwaas oo sheegay in nabad galyadda, dimuqraadiyadda iyo nidaam wanaaga ka hir galay Somaliland ay u suura galinayaan in deeqo noocan oo kale ah iyo mashaariic badan laga fuliyo Somaliland, isla markaana ay soo jiidanayaan cid kasta oo rabta inay dalkan wax ka qabato.

Intaa ka dibna Madaxdii ka duwanayd ee Hay'adda UNDP waxay  deeqdaas ka koobanayd 21 baabuur Ku wareejiyeen Wasiiradda Arimaha Gudaha iyo Cadaaladda Somaliland, talaabadan ay Hay'adda UNDP deeqdan ugu wareejisay Wasaaradahaas ayaa waxay qayb ka tahay ujeedadda socdaalka Waftiga balaadhan ee Hay'addaas ka socda oo maalintii shalay dalka soo gaadhay, isla markaana ka sheegay madaarka markii ay soo gaadheen inay booqan doonaan indhahoodana ku soo arki doonaan mashaariicda horumarineed ee Hay'addoodu ka fulinayso dalka, wafdigan ayaa waxa kale oo ay saaka soo booqdeen Xabsiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa oo Hay'adda UNDP dib u dhis lagu casriyaynayo ay ka wado, waxaanay shir jaraa'id ku qabteen xafiiskooda halkaas oo ay kaga warameen in Somaliland ay wax badan qabsatay iyaguna ay Hay'add ahaan laban laabayaan mashaariicda Somaliland ay ka fulinayaan iyo miisaaniyadda sanadkan ay ku bixinayaan Somalilandba.


 

SOURCE: HAROWO.COM

No comments: