Sunday, June 15, 2008

OGAAL


Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii maanta, Axad, 15 June

June 15th, 2008

Dagaal dhimasho iyo dhaawac keenay oo ka dhacay deegaanka Biyo-guduud ee bariga Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo (Ogaal)- Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa shalay  laba beelood ku dhex maray Tuulada Baliguduud, oo illaa 50 km dhinaca bari ka xigta Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Dagaalkan, oo sida la sheegay ay iskaga horyimaadeen laba beelood oo maalmihii u dambeeyayba isku hor fadhiyay deegaankaas, ayaa bilaabmay abaaro 11 maalinnimo ee shalay, isla markaana waxaa labada dhinac wadarta khasaaraha ka soo gaadhay lagu sheegay hal qof oo geeriyooday iyo shan kale oo dhaawac ah. ma jiraan warar rasmi ah oo arrintan ku saabsan, oo ka soo baxay dhinaca maamulka Gobolka Sanaag ee ay Tuuladani ka tirsan tahay.

Hase ahaatee, warar aanu ka helay deegaankaa ayaa sheegaya, in Masuuliyiinta Gobolka Sanaag qaarkood iyo cutubyo ka mid ah Ciidamada Qaranka ay shalay galintkii dambe ka baxeen Magaalada Ceerigaabo, iyaga oo u sii jeeda dhinaca Tuuladan ay labada beelood iskaga horyimaadeen.

Cutub ka tirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa iyagu isla tuulada iska hor imaadku ka dhacay dusheeda meel saddex km u jirta dugsi uga furan yahay, isla markaana waxay ku guuldaraysteen sida wararku sheegayaan inay sii wadaan oo ku kala hagoogtaan labadan Beelood oo ay maalmihii ugu danbeeyay  ku kala dhex jireen, balse isku baxsaday, in kasta oo markii danbe masuuliyiin iyo cidan xooglihi u gurmada deegaankaas si ay u kala dhexgalaan.

Mar shalay galab arrintan wax laga waydiiyay Guddoomiye ku -xigeenka Gobolka Sanaag Cabdi-casiis Xasan Siciid, ayaa ka gaabsaday in uu wax faah-faahin ah ka bixiyo dhacdadan iyo sida ay wax uga ogyihiin.

Maayarka degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino arrintan ayaa sidoo kale aan ka bixin wax faahfaahin ah.

Dhinaca kale Magaalada Ceerigaabo waxaa ka socda abaabul ay wadaan Odayaasha magaaladu. kaas oo ay ugu ambabaxayaan dhinaca biyo-guduud.

 
 

 
 

 
 

"Waa in Guurtidu taageerto heshiiska xukuumada iyo Xisbiyada" Gudoomiyaha Guurtida                       

 
 

Guurtida oo kalfadhi aan caadi ahayn oo degdeg ah la isugu yeedhay

Hargeysa (Ogaal) – Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay yeeshay fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn, waxaana muddanayaasha loo qaybiyey wax-ka-beddelka xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo uu Golaha Wakiilladu soo ansixiyey toddobaadkii dhammaaday.

Fadhigan Guurtida oo aan hore loo shaacin isugu yeedhiddiisa, iyada oo Goluhu ku jiro fasaxiisii caadiga ahaa ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal kooban u jeediyey golaha furitaankii fadhiga waxa uu u sheegay mudanayasha in ujeeddada fadhiggan degdegga ah ay tahay ansixinta wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, kaas oo uu sheegay inuu qayb ka ahaa heshiis ay xisbiyadu ka gaadheen khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka aloosmay. Waxana uu sheegay in heshiiskaas kadib loo baahday in wax ka beddel lagu sameeyo xeerka Diiwaangelinta oo qodobo ka mid ah cabashooyin ka soo baxeen.

Guddoomiyaha Guurtida, mudane Saleebaan, waxa uu ka codsaday mudanayaasha Golaha inay taageeraan heshiiska Saddexda xisbi gaadheen, isla markaana ay ansixiyaan wax-ka-beddelka xeerkaas. Waxaana uu goluhu u ballamay fadhigga maanta inuu cod u qaado ansixinta wax-ka-beddelka Xeerkaas.

Fadhiggan degdegga ah oo la filayo inuu isugu yeedhay Golaha, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filayaa inuu ka dambeeyey shuruudo la sheegay in Deeqbixiyayaashu ku xidheen Wefti ka socda Saddexda xisbi, xukuumadda iyo Komishanka Doorashooyinka oo Nairobi u tegey inay Deeqbixiyayaashu ku soo qanciyaan heshiiskii xisbiyada iyo xukuumaddu ka gaadheen khilaafkii ka dhashay dib u dhaca doorashooyinka iyo muddadii sannadka ahayd ee Guurtidu u kordhisey madaxweynaha muddadiisii xilku dhammaatay, si ay u siidaayaan dhaqaalihii ay ugu deeqeen qabashada doorashooyinka Somaliland iyo diiwaangelinta codbixiyayaasha, kaas oo ay joojiyeen markii Guurtidu dib u riixdey muddada doorashada oo ay ku heshiiyeen Saddexda xisbi iyo Komishanku, muddo sannad ahna u kordhisey Daahir Rayaale.

Weftiga Saddexda xisbi iyo Komishanku waxay dalka ka dhoofeen Arbacadii, maalin kadib markii Golaha Wakiilladu ansixiyey wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta codbixiyayaasha, kaas oo qodobada lagu heshiiyey in laga saaro xeerkaas ee caqabad ku noqday doorashooyinku ay ahayd shuruud muhiim ah oo deeqbixiyayaashu ku xidheen kaalmada dhaqaale ee ay ugu talagaleen inay ku caawiyaan doorashooyinka Somaliland. Waxaana markiiba soo baxday in go'aanka wax-ka-beddelka xeerkaas ee Weftigu la tegey Nairobi uu qabyo yahay maadaama aanu dhammaysan jaranjaradii sharci, taas oo ah in Golaha Guurtidu ansixiyo, Madaxweynuhuna saxeexo.

Hase yeeshee, xubnaha weftiga oo markii ay Hargeysa ka ambabaxayeen la weydiiyey qabyada ka muuqata wax-ka-beddelka xeerkaas, waxay ku doodeen in aanay jirin wax ka qabyo ah, wax walibana ay u dhan yihiin.

Golaha Guurtida waxa kale oo laga filayey inay dammaanad qoraal ah bixiyaan in aanay mar kale muddada xilka u kordhin doonin Madaxweynaha xilka sii fadhiya, balse, ma cadda in weftigu ay warqaddaa dammaanadda ah ka heleen mudane Rayaale iyo Golaha Guurtida.

Weftiga Komishanka iyo Axsaabta waxa la filayaa maanta inay dalka dib ugu soo laabtaan.

 
 

Halkay marayaan shirarka u socda Beesha Bariga Burco?

 
 

Burco (Ogaal)- Xildhibaanada Golaha Wakiillada iyo Xubno ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland ee ka soo jeeda Beesha Bariga Burco, ayaa todobaadadii ugu dambeeyay kulamo kala gaar-gaar ah la lahaa Salaadiinta, Cuqaasha iyo Wax-garadka Beeshaasi, kuwaas oo xogwaran guud ka siiyay xaalada guud ee dalku wakhtigan marayo. Isla markaana ugu baaqay Hogaamiye Dhaqameedyada inay u soo noqdaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen hawlaha dhaqan ee Beesha dhexdeeda iyo xidhiidhka kale ee ay la leeyihiin Beelaha kale ee ku dhaqan Somaliland.

Sidaana waxa Ogaal u xaqiijiyay illo xogogaal ah oo ku dhadhaw Madasha ay Shirarkaasi ka socdeen maalmihii ugu dambeeyay.

Sida ay illo wareedyadaasi tibaaxeen Xildhibaanadu waxay awooda saareen in kulamadoodaasi ay ku salaysnaadaan sidii looga wada shaqayn lahaa midaynta iyo danaha guud ee Beesha, ee aanay wax saamayn ah ku yeelan lahayn siyaasadaha qaybaha kala du-duwan ee dalka ka jira. Sidoo kalena, waxa banaanka laga dhigay, oo laga saaray kulamadaasi cid kasta oo ka mid ah Siyaasiyiinta Axsaabta Qaranka, iyada oo weliba la isla qaatay in is faham guud laga wada-yeesho sidii loo abaari lahaa arrimaha Beel ahaan horyaala siyaasiyan iyo bulsho ahaanba.

Sida ay wararkaasi sheegayaan, waxa la sheegay in ay Xukuumaddu isku dayday kala daadinta Shirkaasi. Balse hadana, taasi may noqonin mid hor istaagta geedi-socodka Shirarka ay Xildhibaanadda beesha Bariga Burco ka soo jeedaa lalahaayeen qaybaha kala duwan ee Bulshada ay matalaan.

"Rag ka soo jeeda, waa beesha Bariga Burco'e, oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa la sheegay in ay Burco ku soo socdaan, oo ay carqalad geliyaan kulamadan lagaga arrinsanayo danaha Beesha iyo Deegaanka." Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah Cuqaasha Bariga Burco, oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo.

Waxa jira tuhuno iyo dareeno isa soo taraya, oo soo baxayay maalmahan ugu dambeeyay, kuwaas oo tibaaxayay in Waftiyo ka socda dhinaca Xukuumadda Somaliland, oo uu ka mid yahay Wasiirka Warshadaha, oo dhawaan socdaal ka soo laabtay, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Xubno kale ay ku soo jeedaan dhinaca Magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco. "Ha yimaadaan iyaguna, (Xubnaha ka tirsan Xukuumadda Rayaale, ee Beesha Bariga Burco,) waa lala xisaabtamayaaye." Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah xubnaha Guddida beesha, oo ka hadlayay Madal kaftan haasaawe ahi uu ka socday. Ka dib markii la waydiiyay in Wufuud Xukuumadda ka socotaa imanayso Burco.

Shirkan oo ah mid aad uga duwan sida ay u arkayaan Masuuliyiinta Xukuumaddu, ayaa hadana waxa jira, cadaadisyo dhinacyo kala duwan kaga soconaya, kuwaas oo la sheegay, inay kaga hortagayaan go'aamo kasta oo ka soo bixi kara halkaas iyo is faham guud oo beeshu wakhtigan ka yeelato mustaq-balkeeda siyaasadeed.

Sidoo kale, wararkan ayaa tibaaxaya, in Xukuumaddu u dirtay Gobolka Sool Xubno Xildhibaano ah oo Golaha Guurtida ka tirsan, kuwaas oo aad loo tuhunsan yahay in ujeedada socdaalkooda ka dambaysaa inay tahay, sidii ay uga hortagi lahaayeen nooc kasta oo xidhiidh ah, oo beesha Bariga Burco la yeelan lahayd Beelaha reer Sool. Taas oo ka mid ah arrimaha ka soo bixi kara shirkan. Ma jiraan warar rasmi ah, oo illaa hada laga soo saaray waxa uu la xidhiidho shirkani iyo arrimaha lagaga wada-hadlayo toona. Hase ahaatee, xogo-wareedyadu waxa ay tilmaamayaan, muddadii uu socday shirkani waxa ugu badan ee lagaga wada-hadlay, lagagana arrinsanayay inay yihiin arrimo beeleed. Isla markaana, uu yahay mid gogol-xaadh u noqonaya Kulan kan ka balaadhan, oo la isugu soo noqon doono xili aan la cayimin.

Si kastaba ha ahaatee, arrimaha illaa hada la isku raacay waxa ka mid ah in ay Beesha Bariga Burco dhaqan wanaag kula noolaato Beelaha kale ee reer Somaliland iyo in guud ahaanba nabadgalyada dalka Somaliland la dhawro. Waxa kale oo meel la isla dhigay in Salaadiinta, Cuqaasha iyo guud ahaanba Madax-dhaqameedka beeshu ay dib ugu noqdaan kaalintoodii dhaqan, isla markaana aanay ku dhex milmin siyaasada iyo sidoo kale rabitaanka Axsaabta siyaasadeed ee ku loolamaya Hogaanka dalka.

 
 

Dedaalka Midawga Yurub iyo dooda Ismaaciil C. Geelle

"Hadii ay Eritrea dagaal doonaysey way naga heshay"

Addis-Ababa (Ogaal/Reuters)- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka hadlay dagaalka dhex maray dalkiisa iyo Ereteriya, isaga oo magaalada Addis-Ababa kulan kula yeeshay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta Mr. Louis Michel. Waxaana la sheegay inay labada Masuul ka wada hadleen arrimo ku saabsan dagaalka Ereteriya iyo Jabuuti.

Madaxweynaha Jabuuti waxa uu Dawladda Ereteriya ku eedeeyay inay weerar ku soo qaadday dhul ay Jabuuti leedahay, oo ay is-difaacayeen iyagu. "Had iyo jeer xidhiidh wacan ayaanu lahay. Laakiin, waxay si axmaqnimo leh ciidan u soo dhoobeen qayb ka mid ah dalkayaga. Taas oo ah gardarro aananu aqbalaynin" ayuu yidhi Madaxweyne Geelle, oo Magaalada Addis-Ababa kaga qayb galay Shir-madaxeedkii Ururka IGAD. Waxaanu sheegay in dagaalladaasi ay Ciidamadiisa kaga dhinteen 12 Askari, kagana dhaawacmeen in ka badan 60 kale.

Dhinaca kale, dawladda Ereteriya ayaa dedafaysay eedaymaha sheegaya inay ka gudbeen Xuduudka labada dal, oo ay qabsadeen Dhul Jabuuti leedahay.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta Mr. Louis Michel, ayaa la sheegay inuu wado dedaal dhexdhexaadineed oo u dhaxeeya labada dal. Isaga oo kulan uu Magaalada Addis-Ababa kula yeeshay Madaxweyne Geelle ka dib, maanta u duuli doono Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Ereteriya Isiais Afewerki. "Arrintani ma laha sabab, waxaana jira fursado lagu xallin karo, iyada oo loo marayo wadahadallo nabadeed" ayuu yidhi Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta Mr. Louis Michel.

 
 

 
 

Addis-Ababa: Hoggaan cusub oo lagu doortay Shir-Madaxeedkii IGAD iyo qodobo lagu heshiiyay

Addis-Ababa (Ogaal/KBC)- Hoggaamiyayaasha Dalalka ku bahoobay Urur-gobolleedka IGAD, ayaa shir-madaxeedkii Ururkooda oo shalay uga furmay Magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin, dirirta Jabuuti iyo Ereteriya, Xaaladda Somalia iyo sidoo kale Cunto-yaraanta soo wajahday gobolka. Isla markaana waxay doorteen hoggaan cusub.

Hoggaamiyayaasha lixda dal ee Kenya, Itoobiya, Sudan, Uganda, Somalia iyo Jabuuti, waxay kulankoodan ka soo saareen go'aamo iyo qoddobo ay ka mid yihiin, in muddo bil gudaheed ah lagu sameeyo Gole Wasiiro ah oo uu guddoomiyo Guddoomiyaha IGAD, kana hawlgala arrimaha degdegga ah ee sida cunto-yaraanta iyo korodhka qiimaha cuntada ee Gobolka, isla markaana in Caalamka loo jeediyo codsiyo taageero lagaga doonayo. Iyaga oo hoosta ka xarriiqay baahiyaha loo qabo bilowga siyaasad lagu hagayo dhaqdhaqaaqyada cuntooyinka ee isaga gudba Xuduudaha dalalkan. Waxa kale oo ka mid ahaa waxyaabaha laysku raacay, in la bilaabo qorshe lagu aas-aasayo Sanduuq-dhaqaale oo lagaga hawlgalo arrimaha degdegga ah ee gobolka soo waajaha. Sidoo kale, waxay Hoggaamiyayaashani ballan qaadeen in laga hortago is-bedelka Cimilada.

Waxa kale oo lagaga hadlay Shir-madaxeedka IGAD, dagaalka dalalka Jabuuti iyo Ereteriya. Waxaanay ugu baaqeen inay wada-haddallo ku dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya. "Waxaan u soo jeedinayaa dalalka walaalaha ah ee Jabuuti iyo Ereteriya inay khilaafaadka u dhaxeeya ku xalliyaan wadda-hadallo" Sidaa waxa yidhi guddoomiyaha IGAD ee aan wali lagala wareegin Xilka guddoomiyenimo Mr. Kabaki, ahna Madaxweynaha Kenya.

Madaxweynaha Kenya, mar uu ka hadlayay arrinta Somalia, waxa uu xaalad adag ku tilmaamay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si dhaqso ah uga baaraan-degayo sidii uu Ciidamada Afrikaanka ah ee ku sugan Somalia ugu bedeli lahaa kuwo Caalami ah. Waxaanu ugu baaqay waddamo Afrikaan ah inay Ciidamadooda dhaqso u keenaan Somalia. "Waxaan ku hambalyaynayaa dalalka Afrikaanka ah ee ballan qaaday inay Ciidamo ku soo kordhinayaan kuwo hadda ku sugan Somalia ee AMISOM, si ay u sii xoojiyaan nabad-ilaalinta dalkaas, hase ahaatee, waxaan u soo jeedinayaa dalalka Benin, Ghana iyo Nigeria inay Ciidamadooda u diraan Somalia, oo aanay dib-u-dhac intaa ka badani ku iman" ayuu yidhi Mwai Kibaki. Waxaanu sheegay inaanu gobolku aqbali doonin qalalaasaha, Budhcad-badeedka, afduubka iyo dilka ka socda Somalia.

Shir-madaxeedka IGAD, waxa lagu doortay hoggaan cusub. Madaxweynaha Kenya oo Guddoomiyaha IGAD ahaa labadii sanno ee u dambeeyay, ayaa Xilka guddoomiyenimo ku wareejiyay Ra'iisal-Wasaaraha Itoobiya Melez Zenawi, halka Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Biyaha Kenya Mr. Mahboub Maalim, loogu doortay Xoghayaha Maamulka, isaga oo Xilka kala wareegay Dr. Attalla Hamad Bashir oo ka socday Sudan.

Khudbad uu Guddoomiyaha cusub ee IGAD, Meles Zenawi ka jeediyay munaasibaddaa xil-wareejinta, ayaa amaan u jeediyay Madaxweyne Kibaki muddadii uu Xilka hayay.

 
 

Badhasaabka California iyo Xaaskiisa oo isku khilaafay Obama iyo McCain

- Labadii wiil waxay ku raaceen taageerada Aabohood, Hablihiina hooyadood

Los Angeles (Ogaal/Orgeno)- Badhasaabka Gobolka California ee dalka Maraykanka, isla markaana ahaan jiray Jilaa caan ah oo metela Filimada Maraykanka ah Mr. Arnold Schwarzenegger iyo Xaaskiisa Maria Shriver, ayaa la sheegay inay isku maandhaafeen taageerada labada Musharax ee Madaxweynenimada Maraykanka Mr. John MCcain iyo Mr. Barack Obama, isla markaana taageeradoodu saamaysay Ubadkooda.

Dhacdadan oo ay faafisay Shabakad Warar oo laga leeyahay dalka Maraykanka, laguna magacaabo Orgeno, lammaanahan ayaa is-maandhaafkoodu wuxuu bilaabmay ka dib markii toddobaadkii hore goor subax ah Mr. Arnold Schwarzenegger uu ku soo toosay Gidaarada gurigooda oo ay ku dhegan tahay Astaanta Ololaha Musharaxnimo iyo Sawirka Obama. Taasi waxay kalliftay in Mr. Schwarzenegger oo taageera John MCcain uu tallaabo taa ku cakis ah qaado. Waxaanu amar ku siiyay Shaqaalaha Gurigiisa in Guriga Gidaar kasta lagu dhejiyo tiro le'eg inta sawirada Obama ah ee lagu dhejiyay. "Hadba Musharaxa laga adkaado Doorashada soo socota, Astaamihiisa iyo Waraaqihiisa Gidaarada Gurigayaga ku dhegan waxa soo daadin doona Carruurtayada"  ayuu yidhi Jilaagii hore ee Filimada Maraykanka, ahna Badhasaabka Gobolka California.

Arrinta xiisaha gaarka ah lehi waxay tahay, in Carruurta ay dhaleen lammaanahan isku maandhaafsan taageerada Siyaasiyiintan oo tiradoodu tahay Afar, da'dooduna u dhaxayso 10 ilaa 18 jir ay iyana taageero ahaan kala raaceen labadooda waalid. Iyada oo Inanta ugu wayn ubadkooda oo gaadhay da'da codaynta ee 18-Jirka, ay mabda'a ahaan ka siman yihiin hooyadeed, isla markaana ay taageerto Mr. Obama. Mararka qaarkood ayaa doodda arrintan ku saabsan ee dhex marta Caruurtoodu ka dhalataa Madbakha dhexdiisa. "Markii hore Hablahayagu waxay taageeri jireen Hillary Clinton, imikase waxay taageeraan Obama" ayuu yidhi Mr. Arnold Schwarzenegger. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Inamaduse waxay taageeraan McCain".

Taageerada Masuulkan iyo Xaaskiisa ee labada Musharax, ayaa dibedda u soo baxday ka dib markii uu Mr. Arnold Schwarzenegger ku dhawaaqay inuu taageersan yahay McCain, taas oo ay Xaaskiisuna in ka badan 39-Milyan oo qof ka hor caddaysay mawqifkeeda taageerada Obama. Mrs. Maria, ayaa loo magacaabay Gabadha Madaxda ka ah Ololaha Doorashada Obama ee Gobolka California. "Maria Shriver waa taageere awood badan leh" sidaa waxa yidhi Bill Burton oo ah Afhayeen u hadlay Guddiga Ololaynta Obama. Dhinaca kale, Badhasaabka California, ayaa sheegay inuu taageero-dhaqaale la garab taagan yahay Mr. McCain.

Badhasaabka California Mr. Arnold Schwarzenegger, waxa uu ka waramay waqtigii ugu horaysay ee uu ka war helay taageerada Xaaskiisa ee Obama. "Maria waxay maalin maalmaha ka mid ah iigu yeedhay meel barxad ah, iyada oo Faras saaran, waxay igu tidhi, waxaan maskaxdayda ka helay oo aan doonayaa inaan UCLA tago Obama dartii, ma kula saxsan tahay?" ayuu yidhi Mr. Schwarzenegger, mar uu ka hadlayay jawaabtii uu siiyayna, waxa uu yidhi, "Waxaan ku idhi waa sax, ee sidaa yeel, waanay amba-baxday".

Taageerada Mrs. Maria Shriver ee Obama, ayaa lagu tilmaamaa mid xaddigeedu ka sareey ta odaygeedu taageero McCain. "Waxaan u malaynayaa, haddii Obama Gobol ahaan lahaa, wuxuu noqon lahaa California..Waa hoggaamiye, furfuran, dhisan, Xorriyad leh, Dhaqanka ixtiraama, hal-abuur ah, isla markaana hammi leh" ayay tidhi Maria, mar ay ka hadlaysay shaqsiyadda Obama.

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 
 

 
 


 

No comments: