Wednesday, June 11, 2008

Somaliland iyo shirkadda TOTAL

TOTAL Iyo Dhibaatada Ay Ku Hayso…

June 11th, 2008

Shirkadda Maamusha Haamaha Shidaalka Berbera waa inay ka baxdaa Berbera ama sharci xalaala sameysataa  ,hadii kale  waxaa ………….

 
 

 
 

Waxaan cidna aan daah ka saarnayd dhibaatada ay ku hayso Shirkadda Total dadweynaha Somaliland oo aad moodo in ay soo dhamaatay dulqaadkii Umaddu ay u lahayd dhibaataddaa , iyadoo ay waxkastaaba ay leeyihiin qiyaas loo samri karo.

iyadoo aan cidina soo koobi karin dhibaatada ku hayso Somaliland Total iyo Sharci darada ay dalka ku dhibaataynayso ayaan waxaan doonayaa inaan waxooga ka taabto Taariikhdii Haamaha Shidaalka waqtiyadii la dhisay iyo waxyaalihii ay samaysay Total intii dalka lagu soo habaarin ee ay inooga timi Djibouti oo tartan Ganacsi  kala dhexeeyo Berbera .

 
 

Taariikhdii La dhisay Haamaha Keydka Qaranka  ee Somaliland

 Haamaha kaydka shidaalka Qaranka ee Berbera oo tiridooda guud tahay 23 Taangi waxay qaadaan 55000 m/kuyuubik dhismaha haamahan waxa   seeska u dhigay kanbanigii la odhan jiray Shell 1959 isla markaana waxa uu dhisay kambinigaasi  5 taangi ,iyadoo markale ay dawladii midowga SOFIYETI 1974 ay dhiseen 14 taangi iyo dhismaha Biriishka uu dul mari jirey dhuumihii shidaalka oo dhererkoodu ahaa 1300 Mitir .


Ciidamadii maraykanka ee Saldhiga  ku lahaa berbera ayaa sanadihii 1985 -1986 ku biiriyey sadex taangi ,Xukuumadii Somalia ayaa iyana ku dartay Hal taangi sidaa ayay tirada guud ee Haamuhu ay noqdeen 23 Taangi,  Dhinaca kale sadex taangi oo kamid ah 14 kii taangi ee midowga Soofiyeeti ayaa waxa gaar u yeelatay Wershada Shamiitada ee Berbera waxaana lagu shubi jiray saliida ay warshadu isticmaasho waxay kaloo wershadu lahayd Hal beeb(Pipe) ama dhuun ka soo qaadi jirtay saliida Tangarada keenta islamarkaana Sadexda taangi waxa lagu shubi jiray 7000 m/kuyubik dhinaca cabir dhererka (Berbera oil cheting ) ama dhiibka biyaha ay Tangaradu kusoo xidhaan ayay ahayd intii aanay TOTAl la wareegin maamulka Haamaha 13.5 m.


Shirkadihii Gacanta ku Hayey Total ka hor Haamaha Keydka Shidaalka Somaliland.
 laga soo bilaabo 1991 kii ilaa 1999 waxa gacanta ku hayey  maamulka haamaha shirkado madaxbanaan oo ka Ganacsan jiray shidaalka kuwaas oo ay kamid ahaayeen REDSea Petroleam ,Saaxil Petroleum, Aljaziya iyo Alnajax iyo qaarkale  iyagoo umadda u keeni jirey shidaal aad u jaban , oo aan lahayn dhibaatada maanta ina haysato , Ganacsigooduna xor ahaa.


Waqtigii ay la wareegtay Shirkadda Sharci-daradda ee Total Haamaha Qaranka SL.


Bilowgii bishii july ee Sanadkii 1999 ayay ahayd markii u horeysay ee ay si rasmi ay ula wareegtay shirkada Total Haamaha Keydka Shidaalka Qaranka Somaliland.
Qiimaha shiidaalka ee ay shirkadaha aan soo sheegnay ku iibinayeen maalintii xilwareejinta ka horeysay waxay ahayd 27 $ Naaftada, halka Batroolkuna ahaa 32 $ Marka aynu dib u jeleecno nuxurkii ka dar oo dibi dhal oo aan garankarto dhibaatada ay Total inoola timi .


maalintii xilwareejinta maalintii xigtay waxay TOTAL ku kordhisay qiimihii shiidaalka ee Haamaha ku jiray calaa foosto 13 $ ,iyadoo aan ognahay ilaa maanta halka ay inala marayso , iyo in aanay wax sharciya  ku shaqayn.

Dhismihii iyo dayactirka waxay TOTAL sheegtay inay ka hawl gashay qalabkii dayactirka ee Haamaha yaalay oo la sheegay in 50 sano ay qalabkoodu hoosyaaleen Haamaha ,TOTALna ay u isticmaashay wax ay iyagu keeneen muhiimadu bariishkuna waa la ogyahay .


Golaha wakiilada ee cusub ayaa doonay in ay  dib u eegis iyo qiimayn lagu sameeyo si dhab ah mudadaa ay TOTAL gacanta ku haysay maamulka kaydka Haamaha shidaalka qaranka ee Berbera waxtar iyo waxyeelo ka ay ku soo kordhisayba .


Waxa kaloo xusid u baahan in waxbadan la iska weydiiyo dabagalna lagu sameeyo halka ay ku danbeysay lacagta sedex dolar ahayd ee loo qorsheeyey in wax lagaga qabto lagana hortago in qiimaha shidaalka kor u kaco oo calaa foosto u saarnayd laga soo bilaabo 1999 ilaa maanta TOTALna gacanta ku hayso waxa kaloo loo baahanaa in wax badna la iska weydiiyo qasaaraha iyo waxyeelada ay Total soo gaadhsiisay dhuumihii shanta ahaa ee loo isticmaali jiray Haamaha iyo gaar ahaan burburintii taas oo siyaasadi ku dheehnayd .


dhuuntii saliid usoo qadi jirtay warshada shamiitada oo la ogyahay in lagu talo jiro in loo hawl galo sidii loo kicin lahaa taasi oo waajib ku noqon doonta TOTAL in magdhow laga qaado shirkada total si kastaba ha ahaatee waxkaqabashada arimahan siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay shirkada TOTAl ku maamusho Haamaha kaydka shidaalka qaranka ee Berbera waa mid ay bulshada Somaliland ka sugayso dadweynaha Iyo mudanayaasha Golaha wakiilada inay u hawl galaan sidii dalka looga saari lahaa total iyo wixii khasaare ah ee gaadhsiiyeen Hantidii Qaranka ay magdhow uga bixin lahayeen.


iyadoo  qiimayn dhab ah lagu sameeyo in taangi ay dayactir hantida ka baxday qalabka dayactirka ee ay Haamuhu lahaayeen iyo kharashka Total ka baxay.

 
 

shirkadda TOTAL oo xukuumaddu heshiis kula gashay haamahaas ay dayactirtay 12 ka mid ah 23ka haamood ee kaydka shidaalka Berbera iyo dhuunta badda hoos marta ee shidaalka soo qaadda, isla markaana aanay jirin cid ilaa iyo hadda og xisaabta u dhexaysa Somaliland iyo shirkadda TOTAL, iyada la sheegtay in labada wasaaradood ee Ganacsiga iyo Maaliyadduba ay sheegeen in aanay shaqo ku lahayn.


"Marka laga soo bilaabo dayactirkii ugu horreeyey ee ay shirkaddu ku samaysay haamaha oo dhammaa $3.6 milyan iyo samayntii dhuunta badda hoos marta (sea line) oo isna lagu sameeyey lacag dhan 3.5 milyan Euro, ma jirto cid ogi xisaabta dhabta ah ee u dhexaysa shirkadda TOTAL iyo Somaliland," lakiin Engineer, oo lubnaani ah uu  sameeyey oo qandaraas lagu siiyey sida la sheegay 750,000 Dolar.
Waxa kale oo jira  in haamuhu ay sanadkii ku kiraysan yihiin $36,000, balse waxa wasiirka Maaliyaddu  sheegay  in la kordhiyey kiradii haamaha oo laga dhigay $300,000,Waxa kale jira dulsaarka shirkadda TOTAL ay saarto shidaalka.
Waa yaabe shidaalka Somaliland Ma wuxuu ka yimadaa wadamada deriska?
naaftada lagu isticmaalo burco iyo hargaysa iyo berberaba waxaa laga keena itoobiya itobiyanaa waxay kala soo degtaa dekeda jabuuti wuxu soo maraa naasireed wuxuu soo maraa herar jigjiga wuxu yimadaa wajaale ama harta shiikh halkaas ay kasoo gasho hargaysa ama burco ama berbera!!! akhriste halka foosto wuxu soo maraa laba kaalmood oo ku yaal wajaale xadka itoobiya ayay s.land oo dhan kasoo iibsataa gaasta lagu isticmaalo waa boorame ilaa hargaysa berbera burco iyo laascaanod iyo ceerigaabo .

batrolka soo galaa dalka wuxu kasoo dega inta badan bosaaso ganacsatadaa s/land marka ay bosaaso kasoo iibsanayaan batroolka jiiwanka ay batrolka kusoo iibsanayaan ama marka ay cashuurta bixinayaan jiiwanka loo jaro marka la weydiiyo meesha ay shidaalka geynayaan waxay jiiwanadaa ku goostaan ceerigaabo ama laascanood ama gaalkacyo halkaas ayay kala soo gudbaan oo dalka soo geliyaan isagoo foostooyin ah oo halkii foosto ay ku jirto 220 litir isagoo soo maray masaafo dhan 930 kilo mitir  waa sidee ariintu?

Maxaa dekedihii dalka iyo xeebihiisi xidhay ganacsatadii dalka maxaa geeyay bosaaso ,maxaa se arintan dhaliyey , maxaa jira , bal adba !!!!Siyaasadan ila eega.

Qiimo korodhka ayey markasta total sameyso oo aanay cidna uga haybadaysan  shirkadda TOTAL waxay doonto  ayey dalacdaa shidaalka ay gacanta ku hayso tan iyo markii ay maamulka haamaha kaydka shidaalka Berbera kula wareegtay Tuugo xaaraan ah , Heshiiskaas oo muddo 50 sannadood ah shirkadda TOTAL loogu ogolaaday gacan ku haynta haamaha shidaalka Berbera, waxa xaaraan ka dhigay markii ay Golihii Wakiilada Somaliland ee xilligaasi cod aqlabiyad ah ku diideen ansixinta heshiiskaas….

 
 

 
 


Mudadaas ay TOTAL xuurtada ku haysatay maamulista haamaha shidaalka Berbera, waxa ay shidaalka kordhisay tiraba dhawr jeer, iyadoo markii ay la wareegtay maamulka haamaha qiimaha Foostada baatroolka ahi ahayd $ 30 dollar, halka uu maantana marayo  $ 205 dollar.

Iyadoo Gadiidkii iyo Wax kastaaba la kordhiyey Dhibaatada Total dalka ku hayso

Iyadoo Nooligii la kordhiyey meel kasta tusaale ahaan, baabuurtii wax u qaadaysay Tog-wajaale uu markii hore ahayd 140,000 oo lacagta Somaliland ah/, imikana ay ka dhigeen waxa laga dhigay 170,000Hargeysa iyo Burco waxa uu hore u ahaa qiimaha halka Ton, 110,000 waxa iminkana laga dhigay 130,000

Dhinaca daabulka dekedda Berbera oo halka kiish ahaa markii hore 700 SL waxa imika laga dhigay 1000SL,

Arrintani waxay ka danbaysay ka dib markii Shirkada Total oo haamaha kaydka shidaalka Kooto ku haysataa, mar kaliya cirka ku shareertay qiimihii shidaalka, iyadoo Foostada Naaftada ah halkii ay hore uga ahayd $140 Dolar laga dhigay Hadana $ 205, halka Batroolka oo hore u ahaa $142 dolar laga dhigay Hadana $ 167,

Taasoo keentay in dhamaan sicirka maciishada  uu  cirka isku shareero waxkastaaba kordhaan , iyadoo markii wasaarada Ganacsiga arrintaa wax laga weydiiyay-na ay ku dooday in meel kasta muwaadiniintu ka keeni karaan Shidaal oo la fasaxay, iyadoo horena ay xukuumadu arintaas ugu dhawaaqday kadibna ay keneen Shirkadda AlHarbi wIxii ku dhacayna waa la ogaa cidkastaaba ka ergaysayin lagu shubo shidaalka Shirkadda AlHarbi haamaha berbera.

 
 

 
 

Iyadoo iminka dhib kale soo gaadhay muwadiniin kale xubnihii dhawaaqa ka duulay ee shiidaal dalka dibada uga keenay waxay waajeheen dhibaato iyadoo Gaadiid badan oo shidaal ku raran yahay lagu xidh-xidhay Kastamyo uu ka mid-yahay ka caasimada Hargeysa, sidoo kalana Doon shidaal ah oo ku soo xidhatay Dekada Saylac la is hortaagay. Waxaana xukuumadu si weyn uga hawl-gashay shidaal aan ahayn ka Total ay dadka ku dhiigmiirayso inuu sina dalka u soo galin, taasoo sii kordhisay sicirka shiidaalka oo uu hoos u dhigi jiray . shidaalka xorta ah.


Inkasta oo shirkadda TOTAL markasta oo ay shidaalka kiciso u samayn jirtay marmarsiiyo, haddana waxa uu qiimo korodhkan maantu tusaale u noqonayaa arxan darada shirkadda TOTAL, marka la eego xaaladda dalka ka taagan ee sicir barar dadka haysta.Waxa haddaba yaab leh, xukuumadda talada dalka haysaa ee masuulka ka ahayd shacabka uu u muuqata inaanay u naxariisanayn oo aanay dan iyo muraad toona ka lahayn cidda dhibaataysan, taas oo xaalkooda ka dhigaya Maxaa iga daadaanaya haddii aan dadba ugu sareeyo, amaba 'Anigu waan dhergaye, nin liita waa yeelkedii. !!.

Isku soo duuboo shacabka Somaliland waa umad Islaam oo leh iimaan uu ku manaystay Alle SWT, islamarkaana samir badan, inkasta oo shirkadda TOTAL u muuqato inay la mid tahay GAFANE GARAB og, haddana cid kasta illaahay baa ka weyn, waxaanan u sheegaynaa Total inay dhamaatay Samirkii  

 
 

.

Hadaanu nahay aqoonyahan iyo waxgarad badan oo Berbera u dhashay waxaanu la tashanay Sharci-yaqaano Iyo Dadweynaha Somaliland qaybo ka mida , waxaanu go,aan ku gaadhnay inaanu siino waqti ku filan  Shirkada Total ay gebihaanba kaga guurto Berbera , haddii kale si degdega ay Golaha sharcidejinta ay ka sameysanto si degdeg sharci xalaala oo Umaddu ay ogtahay oo laga badbaado dhibaatada ay ku hayso Umadda , Mag dhowna ay ka bixiso wixii ay gaadhsiisay Haamaha shidaalka iyo dhaqaalaha Somaliland .

Haddii ay dhegaha ka furaystaan waqtigaas loo qabtay , waxaan u sheegaynaa waa  dhamaaday samirkii  iyo dulqaadkii waxaa hadhay qorshihii aanu ugu talo-galnay in  laga qaato Shirkada Sharci-darada ku haysta Haamaha Keydka Qaranka Somaliland.

Waa Qalinkii, Maxamuud Cali Axmed (Jaadhi) Birmingham UK .

 
 

 
 


 


 

Source: somalialnd.org

No comments: