Tuesday, June 10, 2008

Wax-ka-beddel xeerka diiwaangelinta

Golaha Wakiillada oo ansixiyey wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha

June 10th, 2008

Hargeysa (Somaliland.org) – Golaha Wakiillada Somaliland oo gudagalay kalfadhi aan caadi ahayn ayaa maanta ansixiyey wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo uu soo jeedintiisa Golaha horkeenay Madaxweynaha Ku-meel-gaadhka ah ee muddadiisa xilku dhammaatay, mudane Daahir Riyaale Kaahin, kadib markii ay sidaa ku heshiiyeen xukuumaddiisa iyo xisbiyada mucaaridka ahi.

Fadhiga maanta oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa ka qaybgalay 44 xildhibaan, waxaana uu Guddoomiyuhu ugu horrayn uga warramay golaha sababta keentay kalfadhiga degdegga ah ee aan caadiga ahayn, isaga oo sheegay inuu yahay dalab ka yimi dhinaca Madaxtooyada, ujeeddadiisuna ay tahay in kaabis iyo wax-ka-beddel lagu sameeyo Xeerka Diiwaangelinta, wax-ka-beddelkaas oo noqonaya Lifaaq ku kooban keliya doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanka ee soo socda, balse, aanu khusayn doonin doorashooyinka ka dambeeya.

Isla markaana Xoghayaha Golaha ayaa mudanayaasha u akhriyey laba dikreeto oo mid ka mid ah uu ku dalbanayo isugu yeedhista Golaha ee Kalfadhigga aan caadiga ahayn, ta kalena ay xambaarasan tahay kaabista iyo wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta, Xeer Lr. 37/2007, oo uu soojeediyey mudane Riyaale in 12 qodob oo ka mid ah xeerkaas, si ku-meel-gaadh ah loo laalo, kuwaas oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin qabashada doorashooyinka soo socda, isla markaana ay heshiis ka gaadheen saddexda xisbi, Komishanka iyo Deeqbixiyayaashu. Waxana uu ka codsaday Golaha in uu sidiisa u ansixiyo wax-ka-beddelka xeerkaas.

Qodobada xeerkaas ee uu mudane Riyaale soo jeediyey in wax ka beddel lagu sameeyo waxaa ka mid ah qodobka tilmaamaya in Diiwaangelinta iyo doorashada ay u dhexayso muddo 6 bilood ah iyo in diiwaangelinta lagu dhammaystiro bil ilaa saddex bilood. Waxa kale oo qodobadaas ka mid ah qodobka xeerkaas ee waajibinayey in cod-bixiyuhu uu codkiisa ka dhiiban karo keliya goobta uu iska diiwaangeliyey.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Shuruucda iyo Dastuurka ee Golaha Wakiillada, mudane Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo guddidiisu soo naaqishtay wax-ka-beddelka Xeerkaas ayaa isaguna sharraxaad ka bixiyey wax-ka-beddelka xeerkaas, isla markaana ku taliyey, golahana u soo jeediyey in soo jeedintaa goluhu sideeda ku ansixiyo.

Waxaana cod gacan-taag ah ku ogolaaday 33 xildhibaan, halka 8 Xildhibaan ay diideen, 2 kalena ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna aanu codayn.

Wax-ka-beddelka Xeerkan ayaa Golaha Guurtida loo gudbinayaa, iyada oo Golaha Guurtiduna uu hadda ku maqan yahay fasaxiisii caadiga ahaa.

Wax-ka-beddelka Xeerkani waxa uu ka mid ahaa heshiiskii ay gaadheen hoggaamiyayaasha Saddexda xisbi ee ay ku soo afjareenkii khilaafkii ka aloosmay dib u dhaca doorashada iyo mudda-kordhinta xilka Madaxweynaha.

  

No comments: