Wednesday, June 11, 2008

Wefdi Somaliland oo u dhoofay Nayrobi


 

Wefti ka kooban hoggaanka Saddexda xisbi, Komishanka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo u ambabaxay Nairobi

June 11th, 2008

Hargeysa (Somaliland.org) – Wefti ka socda Saddexda xisbi Qaran, Komishanka Doorashooyinka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda Somaliland ayaa galabta ka ambabaxay dalka, iyaga oo u kicitimay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Weftiga oo ka kooban 8 xubnood, waxa dhinaca xisbiyada ka socda Saddex xubnood oo kala ah: Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE, Muj. Muuse Biixi Cabdi iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Maxamed Ismaaciil Bullaale. Waxa kale oo ka mid ah Agaasime ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, xubinna ka ah Guddida Farsamo ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo 4 xubnood oo ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Waxana uu socdaalkoodani qayb ka yahay heshiiskii Saddexda xisbi ka gaadheen khilaafkii ka dhashay dib u dhaca doorashada iyo muddadii Guurtidu u kordhisey Daahir Riyaale.

Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Mr. Cali Maxamed Cabdulle (Cali Biikolo) oo weriyayaasha ugu warramay Madaarka Hargeysa, galabta, ka hor intii aanay halkaasi ka dhoofin ayaa sheegay isaga oo ka warramaya ujeeddada socdaalkooda inay Nairobi ugu tegayaan Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka iyo dimuqraadiyadaynta, isla markaana ay weydiisan doonaan in ay siidaayaan kaalmadii lacageed ee ay ugu talagaleen inay ku caawiyaan qabashada Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Doorashooyinka soo socda, taas oo uu sheegay in ay xayireen dhowaan markii khilaafka ka dhashay dib u dhaca doorashooyinku dalka ka aloosmay.

Cali Biikolo waxa uu sheegay in haatan khilaafkaas laga gaadhey heshiis ku yimi wadahadal iyo isu tanaasul, kaas oo ay hoggaamiyayaasha saddexda xisbi wada saxeexeen, haatanna ay wadajir u tegayaan Saddexda xisbi iyo Komishanku si ay deeqbixiyayaasha ugu caddeeyaan in khilaafkaasi soo afjarmay.

Heshiiska saddexda xisbi iyo Komishanku ka gaadheen khilaafkii cirka isku shareeray oo nuxurkiisu yahay in Doorashada Madaxtooyada laga soo hormariyo ta Golayaasha Deegaanka, lana qabto inta ka horraysa 6 April 2009, inta ka horraysana lagu dhammaystiro diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo in wax ka beddel lagu sameeyo xeerka Diiwaangelinta oo caqabad ku noqday doorashada, waxay hoggaamiyayaasha saddexda xisbi si rasmi ah ugu saxeexeen Isniintii xaflad lagu qabtay Hotel Maansoor.

Socdaalkan hoggaanka saddexda xisbi iyo Komishanku maanta u baxeen oo hore loo sii ogaana waxa uu ka dambeeyey markii shalay Golaha Wakiilladu uu ansixiyey wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo lagu heshiiyey in laga saaro qodobada caqabadda ku ah doorashada. Waxayna sheegeen madaxda saddexda xisbi ee weftigaa ka mid ahi in wax waliba u dhan yihiin heshiiska iyo damaanadqaadkii sharci ee looga baahnaaba.

Source: Somaliland.org, Hargeysa.

 
 


 

No comments: