Thursday, June 12, 2008

Warkii ogaal 12/06/08


Wararka Wargeyska OGAAL, cadadkii Maanta, Khamiis, 12 June

June 12th, 2008

Hargeysa:  Carruur isku qoys ah oo  la sheegay in la sumeeyay

Hargeysa (Ogaal)- Saddex Carruur ah oo isku qoys ah da'doodu u dhaxayso 15-jir illaa 5-jir, ayaa lagu dawaynayaa Cusbitaalka guud ee Hargeysa, ka dib markii ay doraad qadadii Balaloodeen.

Sadexdan Carruurta ah oo magacyadoodu kala yihiin, Axmed Cabdiraxmaan Daahir (15-jir), Ismaaciil Cabdiraxmaan Daahir (8-jir) iyo Maxamed Cabdiraxmaan Daahir (5-jir), oo ay weriyaal Wargeyska Ogaal ka tirsani ku booqdeen Cusbatalka wayn, ayaa waalidkood u arkaan kuna dacwiyeen in nin la deris ahi uu siiyay wax ay u malaynayeen Sharaab, balse markii dambe ee ay cabbeen ay ku sumoobeen, isla markaana miyir-beeleen. "Jaar baanu nahay ninka oo cadow kale mooyaane, ugamaan baqo qabin Ubadkayga isaga, wax alla wax naga dhaxeeyayna ma jirin. Carruurta oo Guriga joogta ayuu u keenay wax uu soo qooshay, dabadeed laba ka mid ah oo ah labada yar-yar ah, ayuu siiyay oo inta badan cabbay, Wiilka waynna in badan kamuu cabbin" Sidaa waxa Ogaal u sheegay Aabbaha dhalay Wiilashan, oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Daahir, oo Cusbatalka ku sugnaa waqtigaa.

In kasta oo mid ka mid ah wiilashani sheegay in waxa la siiyay ay inta ugu badan cabbeen labada Wiil ee yaryari, haddana labada wiil ee waawayn ayaa hadda Xaaladdoodu sahlan tahay, isla markaana wax kala garanaya oo hadlaya. Hase ahaatee, Wiilka ugu yar ayaa xaaladdiisu aanay wacnayn."Waanu qadaynaynay (dorraad duhurnimaddii), nin aanu jaar nahay ayaa noo keenay Sharaab uu ku soo qooshay Jabcad, dabadeed labada yar-yar ayaa kala shubtay. Iyaga oo cabbaya, ayaan idhi wax iga siiya, balse way ii diideen. Dabadeed, inta aan Xoog kaga qaaday, ayaan laba jeer kabbaday oo aan cabbay. Markii aan is-idhi seexo, ayaan arkay ka yar oo Sanka iyo Afka ka xunbaynaya oo igu soo ag-dhacay. Waan kacay, waxaanan arkay kii kale oo isna la mid ah, markii aan ninkii waydiiyay ee aan idhi maxaad siisay, ilamuu hadal ee Gurigiisii ayuu isaga baxay" Sidaa waxa yidhi Axmed Cabdiraxmaan Daahir, oo ah Wiilka ugu wayn Carruurtan oo Weriyeyaasha Ogaal ugu waramayay Cusbatalka. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, "Waan kaxeeyay labada Inamood ee iga yaryar, waxaanan geeyay Farmasiga. Markii aan ka soo noqday, ayaan aniguna indhaha wax ka arki waayay oo aan Miyir-beelay, islamarkaana Matagay".

Wiilka ugu yare e isagu liitay ayaa waxa lagu sababeeyay in shayga looga shakisanyahay inay ku suboobeen aanu soo dhaafin, halka labada kale ay markiiba soo celiyeen.

Hooyada dhashay Carruurtan, ayaa iyana sheegtay in la xidhay ninka ay ku eedaynayaan falkan habeen-hore. "Waa la xidhay baa nalagu yidhi" ayay tidhi.

Si aanu xog uga helno dhinaca kale ee Cusbtalka, ayaanu isku daynay inaanu la xidhiidhno. "Wixii aanu u qaban karyanay, waanu u qabanay. Wiil baa noo yimi oo nagu yidhi Sun ka baadha Jidhkooda, waxaanu ku nidhi Agaasimaha ayaa arrintan gacanta ku haya ee u taga, oo aanu u dirnay" Sidaa waxa tidhi mid ka mid ah Kalkaaliyayaasha Caafimaad ee Cusbatalka oo aanu wax ka waydiinay arrintan, hase ahaatee noomay suurtogelin inaanu helno Agaasimaha. Sidoo kale, inkasta oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno Booliska, si aanu wax uga waydiino iyana dhinacooda, ayaanay noo suurtogelin. Mana jirto ka sokow Sheegashada waalidka caruurtan dhalay, Dhaktar cadeeyay in caruurtani ku balalootay sharaabka la siiyay iyo in kale, taasoo ay weli baadhisteedu socoto.

Wararkii ugu danbeeyay ee Dagaalka Jabuuti iyo Eritrea iyo aragtiyaha beesha Caalamku ka bixisay

 
 

Djibouti (Ogaal/W.Wararka) – Wasaaradda Gaashaandhigga dawladda Jabuuti ayaa war ay xalay soo saartay ku sheegtay in ciidamadeedii guul xoog leh kasoo hooyeen dagaal ay la galeen ciidamada Eratariya isla markaana ay ka soo qabteen maxaabiis gaadhaysa 100 askari.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa booqday Cusbitaalka lagu daweynayo ciidamada kaga dhaawacmay dalkiisa dagaal culus oo labadii maalmood u danbeeyay ay kulla jireen ciidamada Eratrea oo ay Isku dheceen galinkii danbe ee Salaasadii doraad.

Dagaalkan Djibouti iyo Eritrea ku dhexmaray xuduudka ay wadaagaan, {Ras Doumeira) ayaa la sheegay in ugu yaraan sadex Askari kaga dhinteen Ciidamada Djibouti in ka badan 40 kalana kaga dhaawacmeen, halka aan la ogayn khasaaraha Ciidamada Eritrea ka soo gaadhay, marka laga reebo Doon kuwa dagaalka ah iyo ciidamadii saaraa oo lagaga gubay, sida ay faafisay Idaacada VOA.

Wararka ka iminaya Xuduudka labada dal waxa ay iftiiminayaan in dagaalkan intiisa badan la isu adeegsanayo madaafiic kala duwan (Artilerry), kuwaasoo keenay khasaaraha inta ugu badan.

Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay dagaalka dhexmaraya waddankiisa iyo Eritrea ayaa sheegay inay dhawr jeer u digeen, islamarkaana ay joogi waayeen Eriteriyaanku.

Djibouti ayaa sheegtay in ciidamadeeda lagu khasbay inay dagaallamaan ka dib markii ay rasaasi kaga timid dhinaca ciidamada Eratrea, oo ciidan kasoo baxsaday ay soo galeen dhinaca Djibouti. "Waxaad moodaa in Dawlada Eriteria ay u bilaabantay wakhtigii burburku. Dagaalkana waxaa uu u galayaa si uu dadkiisa uga  jeediyo xaalada gudaha dalkiisa, dhaqaale xumida sicir bararka iyo dhibaatooyinka yaala" Sidaa waxaa yidhi Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlayay dagaalka ka dhex-qarxay labada wadan. "Maraykanka, iskaashi dhinaca nabad-gelyada ah ayaa naga dhexeeya. Faransiiska waxaa naga dhexeeya Iskaashi, Jaamacadda Carabta sidoo kale, annaga walaalaha aanu ku leenahay  dunida oo dhami way noo joogsanayaan, dadkayaguna waa diyaar. Waanu is difaacaynaa."

Ayuu raaciyay Wasiirka Arrimaha dibada Jabuuti

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Eratrea oo ku saabsan Dagaalkan ka qarxay xuduudka ka dib toddobaadyo ay xiisadi u dhaxeysay labada waddan,

Bishii la soo dhaafay ayaa Jabuuti waxa ay cabasho u gudbisay Qaramada Midoobay, taasoo ay ku sheegtay in Eratrea ay ciidamo soo dhoobtay soohdinta labada wadan u dhaxaysa, hase ahaatee,  dawlada Eratrea ayaa wakhtigaasi beenisay inay qorsheyneyso dagaal.

Dhinaca kale, ra'iisal wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi ayaa ku dhawaaqay inuu taageerayo Jabuuti barqonimadii shalay  mar uu ka hadlay Telefishinka dalkiisa, isla markaana wuxuu ku eedeeyey Hogaamiyaha dawlada Asmara Asayas Afwerki nin gardaradiisu xadka dhaaftay

 
 

 
 

 
 

 
 

 
 

Wefti ka socda Komishanka iyo Axsaabta oo Nayrobi u socdaalay

 
 

"Heshiiskii markuu dhamaaday waxay noqotay, inaanu safar qarankii oo dhan ka turjumaya ku baxno, oo qolyihii hore inoogu balan qaaday inay inaga cawiyaan doorashooyinka.."

Gudoomiye ku xigeenka Komishanka

 
 

"Taasi waa arrin shakhsi, ma odhan Xisbigu, shaqsigaasina (Gudoomiye ku xigeenka sadeed ee Kulmiye) dhaliil ayuun buu sheegay,….Waxaan u malaynayaa heshiisyadaa sidii loo galay waxba maanaan saluugin,…."

Muuse Biixi

 
 

"Anoo kalle Baasaaboorka Finland-baan sitaa, qolooyinkan kalena.." Faysal Cali

 
 

Hargeysa (Ogaal) – Wafti ka kooban Guddiga doorashooyinka iyo hamaamiyayaasha Axsaabta siyaasada ayaa shalay u anba-baxay wadanka Kiiniya si ay wadamada Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinka ugu gudbiyaan heshiiska wada jirka ah ee ay ka gaadheen muranadii siyaasadeed ee ka dhashay dib u dhaca doorashada. Islamarkaana ugu codsadaan in dib loo soo celiyo dhaqaalihii deeq-bixiyayaashu ugu tala-geleen diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha oo murankaasi hakiyay.

Waftigan oo ka kooban Sideed xubnood, ayaa ka hor intii aanu shalay gelinkii danbe ka bixin Hargeysa Madaarka diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal ugu waramay saxaafada waxay sheegeen in ay aad ugu hanweyn yihiin guul ay ka gaadhaan safarkoodan wada jirka ah.

Gudoomiye ku xigeenka komishanka doorashooyinka Cali Maxamed Xassan oo waftigan u hadlay ayaa waxa uu  yidhi. "Safarkani waa safar shaqo, oo aad u muhiim ah, isla markaana ka turjumaya hawl wayn oo aynu baahi u qabno.

Weftigani waxay caawa (Xalay) diyaarada kaga digayaan Adis-ababa, Berrina (Maanta) waxay u dhoofi doonaan Nairobi, waxaanu Weftigu ka kooban yahay 8 xubnood, afar xubnood oo Komishanka Qaranka ah, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe,                 Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub Maxamed Ismaaciil Bullaale iyo Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Guddaha Maxamed Jaamac Colaw. Ujeedada safarkanina waxa ay tahay waad la socoteen oo maalmahan aynu soo dhaafnay dalkeena waxa ka jiray waxoogaa khilaaf siyaasadeed ah, kaas oo salka ku hayay dib u dhac ku yimi wakhtigii doorashooyinku ay qabsoomi lahaayeen. Arrintaana kulamo iyo wada-tashi ayaa laga yeeshay dhinacyadii ay khusaynaynaysay oo dhan, kuwaas oo ku dhamaaday guul iyo is afgarasho." "Waanad ogaydeen in qodobadii laga gaadhay wadahadalka in ay Axsaabta Qaranku ku saxeexeen Maansoor, shalaytana (doraad), kuwo ka mid ah oo ahaa qodobada diiwaan-gelinta ee ku noqon kara dabar doorashada, si xeerka loo waafajiyo baarlamanku si sharaf leh ayuu u meel mariyay, waana guulo siyaasadeed oo la gaadhay." Ayuu raaciyay gudoomiye ku xigeenka Komishanku. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu yidhi. "Deeq-bixiyayaashii inoogu balan-qaaday inay inaga caawiyaan doorashooyin iyo diiwaan-gelintu, waa kuwii laalay dhaqaalihii ay ugu talagaleen diiwaan-gelinta, iyaga oo ku tilmaamay in muran siyaasadeed ka jiro diiwaan-gelinta, imikana waxa inoo suuragashay in aynu heshiiskaa doorashadii deegaanada dib ugu dhigno, ka dibna ay soo hadheen doorashadii Madaxtooyada iyo diiwaan-gelintii, waxaanay noqotay markaa inaanu safar ugu baxno si wada jir ah, oo qarankii oo dhan ka turjumaya, oo qolyihii hore inoogu balan qaaday inay inaga cawiyaan doorashooyinka iyo diiwaan-gelinta in aanu ugu tagno Nayroobi oo saldhigoodu yahay, una sheegno in aynu ka heshiinay waxyaabihii ku saabsanaa muranka diiwan-gelinta iyo doorashooyinka, imikana aynu diyaar u nahay diiwaan-gelintii oo horeysa wakhti ku filana aynu u hayno, iyagana aanu ka codsano in ay inaga caawiyaan dhaqaalihii ay inoogu talagaleen, si ay inoogu dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah, islamrkaana in aynu rabno aynu u muujino dareen ahaan. waxaananu aad u rajaynaynaa insha Allaahu inuu safarkani noqdo safar gooni ah, oo dalka iyo dadkaba ay uga soo hoyato arrin midho dhal ah oo guul ah, anaga oo rajaynayna inay iyaguna naga aqbali doonaan ujeedada safarkan aanu ugu tagayno."

Intaa ka dib, wariyayaashii ku sii sagootiyay Madaarka Hargeysa Waftigan waxaa ay weydiiyeen su'aal la xidhiidha socdaalkooda. Su'aalahaas iyo jawaabihii ay ka bixiyeena waxay u dheceen sidan.

S: Ma ku rejo weyntihiin in sidan aad shacbiga ugu bushaarayseen wax waliba ku dhamaan doonaan oo aanay dhexdiina imman doonin wax kala hadal ahi?

J: Bullaale: Illaahay inaguma keeno, hadii ay wax iska daba yimadaana, sidaa maaha, hawshinina waxa weeyaan waxaad ogtahay ma kuu sheegaa oo waxay soo socotay ilaa bisha 1-deedii, qoraaladeeda iyo odhaahdba illaa 1-dii bisha ayaad hayseen, oo ay Deeq-bixiyayaashu hayaan, heshiiskii u dambeeyay ee la wada saxeeday oo qoraal ahna way hayaan anaguna waa xambaarsanahay, waxa imika nalaga sugayaa waxa weeye in aanu bidhaantayadii gayno oo aanu nidhaahno is waafajiya, hadalkayaga, qoraalkayaga iyo bidhaantayada, in cid iska daba hadashana kuma wada socono balankana maaha.

 Muuse Biixi: Waxa aynu dhamaynay waa arrintii taagnayd ee muranka ku saabsan doorashada goorma ayaynu qabanaynaa, taasina sidaa guusha leh ayay ku dhamaatay. Markaa hadaydaan qoladiina Jaraa'idku aydaan wax nashuushadaynin xaga Xisbiyada wax ka soo noqonayaa ma jiraan sidaan ku kalsoonahay.

S: Qodobadii xeerka diiwaan-gelinta ku jiray ee Wakiiladu laaleen oo kale, waxa ay ka mid ahaayeen lifaaqyada heshiiskiina, laakiin qodobadii ahaa in Guurtida damaanad laga soo qaado in aanay soo faragelin doorashooyinka, ma iyaga oo aan soo dhamaan ayaad deeq-bixiyayaasha ula tagaysaan mise inta ay soo dhamaanayaan waad sugaysaan?

J: Muuse Biixi: Wixii aanu ku heshiinay, ama wax ka bedal Baarlaman laga sugayo ha ahaado ama qodobo kale oo muhiim ahe, hadal wuu dhan yahay, heshiiskaana waxba ka qabyo maaha.

S: Heshiiskan Axsaabta Qaranku ay gaadheen waxaad sheegaysaan in aanay cid ka daba imanaysaa jirin, Isla markaana Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Kulmiye, waxa uu madmadaw galiyay kalsoonida lagu qabo in Xukuumaddu fulin doonto. Markaa arrintaasi miyaanay u muuqan mid Kulmiye ahaad aad ku kala duwan tihiin?

J: Muuse Biixi: Taasi waa arrin shakhsi, ma odhan Xisbigu, shaqsigaasina dhaliil ayuun buu sheegay, oo tir-tirsi ayay ka ahayd, lagama daba hadal cid ka daba hadlaysaana ma jirto, balaayo ma jirto. Laakiin, Jaraa'idku waxay yidhaahdaan hadaan balaayo jirin war ma jiro. Markaa idinka ayaa u baahan waxaad qaad-qaadaan bay ila tahay.

S: Kulmiye ahaan waxa jiray saluug aad ka muujinayseen heshiiskan, markaa maadaama aad weftigan si niyad sami ah uga qaybqaadanaysaan, saluugi hada miyuu soo dhamaaday?

J: Muuse: Waxaan u malaynayaa heshiisyadaa sidii loo galay waxba maanaan saluugin, hasoo dhamaystirmeen, qodobada ha la baasgareeyo iyo Baarlamanku ha ansixiyo oo aanu de-dejinaynay mooyaane wax kale ma jirin, Kulmiyena heshiiskan isaga ayaa nin walba ka jecel.

S: Waxaad u ambabaxaysaan Dalka Kiiniya, Somaliland-na muddo badan ayaa xidhiidh ka dhexeeyay. Markaa Baasaaboorka aad ku tagaysaan Makii Somaliland baa mise waa mid kale, idinkoo mid mid uga jawaabaya su'aashan?

Jawaabta su'aasha waxaa nin-ba isu dhaafiyay kii xigay.

J: Faysal Cali Waraabe: Horta, Baasaaboorka Cagaarka ah Gaalo ayaaba qaadata oo wuu inaga dhexeeyaye Soomali ha siin.  Baasaaboorkeenu, waa lagu baxaa,, waxaan qabaa sida loogu baxaana inay tahay si rasmi ah  (official) gaar ahaan marka socdaal shaqo qofku u baxayo, waanad ogtihiin in Weftigani socdaal shaqo u baxayo. Markaa badhkayo waxay sitaan Baasaaboorkii Somaliland, badhkaayana waxay sitaan Baasaabooro kale.

Anoo kalle Baasaaboorka Finland-baan sitaa, qolooyinkan kalena inay sitaan ma filayo. 

 
 

 
 

 
 

Wefti sare oo ka socda Hay'adda UNDP oo dalka soo gaadhay

Hargeysa (Ogaal)- Wefti sare oo ka socda Hay'adda Mashaariicda Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP, ayaa shalay booqasho hal maalin ah dalka ku yimi. Isla markaana isla xalayba la kulmay M/weyne Rayaale.

Weftigan oo uu horkacayo ku-xigeenka Agaasimaha Gobolka ee Hay'adda UNDP, ahna Agaasimaha UNDP ee dalalka Carabta Mr. Abdoulaye Mar Dieye, isla markaana ka kooban saddex xubnood oo ay ka mid yihiin, Agaasimaha Ha'yadda UNDP ee dalka Mr. Bruno Lemarquis iyo Madaxa Gargaarka Bani'aadamnimo ee Qaramada Midoobay Mark Bowden, ayaa kulamo ay la yeelanayaan maanta Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland Hay'adaha Qaramada Midoobay ee dalka ku sugan, guddoonsiin Wasaaradaha Caddaaladda iyo Arrimaha Gudaha Baabuur ay UNDP bixisay, ka dib waxay isla maanta dalka uga amba-bixi doonaan dhinaca Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Iyaga oo xalayba kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada M/weyne Rayaale, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadu. Waxaanay labada dhinac ka wada hadleen Sooyaalkii-taariikheed iyo Siyaasadeed ee Somaliland iyo heerarka ay hadda marayso.

Wefigan oo ay soo Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyeen Wasiirka Qorshaynta Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxamed iyo Masuuliyiin ka kala socday Hay'adda UNDP Somaliland iyo Hay'adaha kale qaarkood, ayaa waxa Madaarka Saxaafadda kula hadlay Madaxa Gargaarka Bani'aadamnimo ee Qaramada Midoobay Mark Bowden, oo ka waramay ujeedada socdaalkooda iyo cidda ay la kulmi doonaan. Waxaanu sheegay inay u socdeen Mashaariic horumarineed oo Somaliland ah, isla markaana ay isla maanta dalka dib uga noqon doonaan.

 
 

Somalia: Weeraradii oo halkoodii ka sii socda ka dib shirkii lagu qaybsamay ee Jabuuti

Muqdisho (Ogaal/Reuters)- 10 Qof oo lix ka mid ahi yihiin Boolis, ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Weeraro kala duwan oo ay Kooxaha ka soo horjeeda joogintaanka Ciidamada Itoobiya ee Somalia ay ku qaadeen Ciidamada Maamulka Cabdilaahi Yuusuf ee magaalooyin kala duwan.

Sida ay faafisay Wakaaladda Wararka ee Reuters, weerarada dadkani ku dhinteen, ayaa mid ka mid ahi wuxuu ka dhacay Saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada Muqdisho, halka ka kalena ka dhacay Magaalada Baydhabo. Weeraradan ayaa tirada maalmihii la soo dhaafay ku dhintay iska hor-imaadada ka dhacaya Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Somalia, waxa ay ka dhigaysaa 40-Qof iyo in ka badan oo dhaawac ah.

Weeraradan u dambeeyay, ayaa waxa ay ku soo beegantay maalin ka dib waqti ay Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan Hoggaanka Isbahaysiga Asmara iyo Xasan Cabdilaahi Xirsi (Turki), oo isna ka mid ah Hoggaanka Al-Shabaab, isla markaana sida la sheegay labadooduba ka mid ah dadka Maraykanku doon-doonayo, ay qaaddaceen Shirkii ugu soo xidhmay Magaalada Jabuuti dhinacyada Siyaasadda Somalia, ee ay heshiiska ku kala saxeexdeen.  Waxaanay ballan qaadeen inay sii wadi doonaan Weerarada ay ku hayaan Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Maamulka Cabdilaahi Yuusuf, ilaa ay ka baxayaan Itoobiyaanku Somalia. Iyaga oo ku boorriyey kooxaha dagaalka kula jira Maamulka Cabdilaahi Yuusuf iyo Itoobiyaanka inaysii kordhiyaan Weeraradooda.

Shirkan oo ay dabada ka riixaysay Qaramada Midoobay, Isniintii aynu ka soo gudubnayna dhinacyada Somalia heshiis ku gaadheen, ayaa qaar ka mid ah Isbahaysiga Asmara gaashaanka ku dhufteen, isla markaana ku tilmaameen xubnihii ka socday dhinacooda inay ahaayeen niman fikirkooda heshiiskaa ku galay, ee aanay metelin Isbahaysiga.

 
 

Bandhigga Buug cusub oo ka waramaya Sooyaalkii Somaliland ee ilaa 1827-kii

Hargeysa (Ogaal)- Buug cusub oo magaciisu yahay Becoming Somaliland, kana waramaya Sooyaalkii Somaliland ee ilaa 1827-kii, oo uu qoray Khabiir Ingiriis ah, ayaa habeen hore lagu soo bandhigay Magaalada Hargeysa.

Buuggan oo ay soo qaban-qaabiyeen Hay'adda  Progressio iyo Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland, isla markaana ka kooban 10 Cutub, ayaa koobsanaya dhammaan Sooyaal-kii taariikheed iyo Siyaasadeed ee Somaliland ee ilaa waqtigii Gumaystaha. Waxa kale oo uu Buuggani si faahfaahsan uga hadlayaa dagaalladii dib-u-xoraynta Somaliland ee Ururkii SNM la galay Taliskii Siyaad Barre ee sanadihii 1980-maadkii. Waqtigaas oo uu Khabiirkan Qoray Buugga oo lagu magacaabo Mark Bradbury dalka yimi. Khabiirka oo dalka ku sugnaa muddo ka badan 20 sanno, isla markaana la shaqaynayay Hay'ado badan oo ay ka mid tahay Progressio, ayaa taasi waxay u suurtogelisay inuu in badan derso, lana socdo dhaqamada Bulshada Somaliland iyo Somalia-ba.

Xafladdii bandhigga Buuggan, oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka hadlay Dr. Maxamed Cismaan Fadal, kana akhriyay Warqad. Waxaanu sheegay ujeedooyinka Buugga iyo waxa uu koobsanayo. "Buuggan Becoming Somaliland, waxa uu ka kooban yahay 10 Cutub. Afarta Cutub ee u horeeya waxa ay ka hadlayaan taariikhda Somaliland-ta cusub, halka lixda cutub ee hadhayna ay si qoto dheer uga hadlayaan Horumarka Somaliland ee ilaa bishii May 1991" ayuu yidhi Mr. Maxamed Cismaan.

Sidoo kale, Dr. Aadan Abokor Yuusuf, oo ah Wakiilka Somaliland ee Hay'adda Progressio, ayaa halkaa ka akhriyay Warqad ku saabsan, kana socotay Mr. Mark Bradbury oo ah Khabiirka Buuggan qoray. Waxaanu ka waramay sidii uu khabiirkani ku yimi Somaliland. "Mark wuxuu yimi Somaliland bilowgii dagaalkii dhex maray Ciidamada SNM iyo kuwii Siyaad Barre sanadkii 1988-kii…Haddana mar kale sanadkii 1992-kii waxa uu Mr. Mark dib u bilaabay Hawlihii Ha'yadda ActionAid oo hore u xidhmay, kana bilaabay Gobolka Sanaag" ayaa ka mid ahaa weedhihii uu Dr. Aadan Warqaddaa ka akhriyay. "Sidoo kale, goob-jooge ayuu ka ahaa dhammaan Doorashooyinkii Somaliland" ayuu intaa ku daray.

Cutubka koowaad ee buuggan, ayaa ka hadlaya dadka Soomaalida ah iyo dhaqankooda. Ka labaadna, soo bixitaankii iyo burburkii Qarankii Soomaalida. Cutubka 3aad, aas-aaskii Siyaasadda Somaliland, oo u sii kala baxaya dhulka iyo dadka Somaliland, aasaaskii SNM iyo sidoo kale dagaalladii ay galeen. Cutubka afraad, Somaliland-ta cusub (imika). Cutubka 5aad, Dhisidda Qaranka iyo isbed-bedelkii dheeraa, oo u kala baxa qodobo ay ka mid yihiin, dawladdii u horaysay ee Cigaal, dagaalladii Sokeeye iyo Shirarkii Qaramaynta. Sidaas oo uu u soconayo ilaa Cutubka 10aad oo ka hadlaya Mustaqbalka Somaliland.

 
 


 

Boorama: Dayaca magaalada iyo daciif-nimada dawlad hoose
Boorama (Ogaal) -  Adeega dowalada hoose ee Boorama u hayso shacbiga ayaa gabaabsi ku dhaw, Islamarkaana kormeer uu ku tagay xarunteeda Magaalada Boorama ayaa Wariye Jirde waxaa uu sheegay inuu ku arkay xafiis kaliya oo shaqaynaya,

Wariyuhu waxaa uu sheegay in xaalada nadaafadeed ee Magaalada Boorama ay liidato wakhtigan oo lagu jiro xilli roobab ah.  Shaqaalaha dawlada hoose ee aanu la kulanay ayaan wax ka weydiinay sida shaqadoodu u socoto waxayna noogu jawaabeen "Walaal wariye warayso madaxda ama kuwa Qashinka mashruuca ka dhigta ee hayadaha wax kaga Cuna" ayay yidhaahdeen,

waxa furaa inta aan arkay hal xafiis oo uu dhax fadhiyay madaxa Nadaafada Dowlada Hoose ee Deg/Boorama, Maxamed Aaden Suldaan, oo diiday inuu wax faah-faahin ah ka bixiyo dhibaatada nadaafadeed iyo waliba Qashinka tuulan agagaarka xarunta Degmada. Waxaana uu ku dooday inuu ku mashquulsan-yahay hawlo nadaafadeed.

Cashuuraha ayey dawlada hoose inta badan ahmiyada saartaa waxaanad subaxa hore ku maqlaysaa dariiqyada magaalada Cod -Dheer ka Baxayo oo baabuur dariiqa socota oo leh, Cida Bixin wayda Canshuurtii ama keeni wayda waxaa lala tiigsan doonaa, Sharciga u yaala canshuur diidka, Lakiin cidina wali isma weydiin waa maxay sababta cashuurta loo qaadayaa ama dawladu dadka u weydiinaysaa inay cashuurta dhibaan mar hadii aanay jirin qashinka oo ugu yar in laga nadiifiyo magaalada.

 
 

Source: Xarunta Wargeyska Ogaal, Hargeysa.

 
 

  

No comments: