Saturday, June 14, 2008

Warside ogaal


Wararka Wargeyska OGAAL, Sabti, 14 June

June 14th, 2008

"Hadii degmadii la inoo magacaabay shanta sanno ee dambena sow Rayaale ma doorano"

Goda-weyn (Ogaal)- Munaasibad loogu wanqalay Degmada-nimada Deegaanka Godaweyn ee Gobolka Saaxil oo ka mid ahayd Degmooyinkii Madaxweyne Rayaale dhawaanta magacaabay, ayaa shalay lagu qabtay Buurta Bilicdasan ee Gacanlibaax.

Xafladan oo ahayd mid si habaysan loo agaasimay, isla markaana is-gaadhsiinteedu hufnayd waxa ka qayb-galay Wufuud culus, oo ka kala socotay Golayaasha dawlada Jamhuuriyada Somaliland, Xisbiyada Qaranka, Aqoonyahano, Siyaasiyiin Madax-banaan, Madax-dhaqameedyo isugu jiray Salaadiin, Cuqaal iyo dadweyne aad u fara badan. Xafladan oo bilaabantay Salaadii Jimce ka dib ayaa Masuuliyiin iyo Salaadiin khudbado ka jeediyay waxay dhamaantood qireen sida Degmada Goda iyo deegaamada hoos yimaadaa ugu qalmaan in loo magacaabo Degmanimada shalay loo wanqalay, oo ay muddo dheer sugayeen. Iyada oo inta badan farta lagu fiiqay deegaanka bilicda san ee Dalxiiska ku haboon ee ay Buurta Gacanlibaax ka mid tahay, Xoolaha nool oo ay caan ku tahay, Beeraha iyo Istaraatijiyada ay ku taalo degmada Go'daweyn, ee ay ku kulmaan Gobolada Togdheer, Saaxil, Oodweyne iyo Hargeysa. Goboladaas oo inta badan Masuuliyiintoodu ay ka qayb-galeen Xafladaasi, isla markaana ay u balan-qaadeen in ay wax la qaban doonaan Degmadan cusub ee Godaweyn. Ka dib markii Guddoomiyaha Degmadaasi cusub Maxamuud Cabdillaahi Fiiqay, uu ka dalbaday inay ka taageeraan Yagleelka Degmadan cusub.

Ugu horeyn Masuuliyiintii halkaa ka hadlay ee amaanta u jeediyay Deegaankaas, waxa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle, oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeenada  Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, oo si weyn ugu amaanay Degmadaas wax soo saarkeeda. Isla markaana hambalyeeyay Shacabka Degmadaasi

Intaa ka dib, waxay madashaasi u xuubsiibatay mid la isku waydaarsaday kaftan siyaasadeed, oo ka dhashay ka dib markii Masuuliyiinta Xukuumadda, gaar ahaana Wasiiradda oo aad u fara badnaa la waydiiyay waxa ay ka qabteen balan-qaadyo ay deegaankaa hore ugu jeediyeen, gaar ahaan dhismaha Waddada isku xidha Hargeysa iyo Go'daweyn iyo sidoo kale dayac-tirka Dhismayaasha Buurta Gacanlibaax ee Dalxiiska, oo ku bur-buray dagaaladii dalka dib loogu xoreeyay, taas oo sannad ka hor wakhti halkaa munaasibad lagu qabtay Wasiirrada Hawlaha Guud uu  ka mid ahaa wasiirro balan-qaadey inay wax ka qaban-doonaan. "Waxaan xusuusinayaa Dhismayaal halkan ah, oo Wasiiradii balan-qaaday fadhiyaan Xaflada inay weli dul banaan yihiin." Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf). Hase ahaatee, hadalkaasi waxa uu dhaliyay dood siyaasadeed iyo Ollole ay Mucaaradka iyo Muxaafidku isugu duur-xulayeen.

Waxa dareenka madasha sii shiday oo halkaa cod dheer kaga dalbaday dadweynaha reer Go'adawayn Xildhibaan Siciid Cabdillaahi Yasir, oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, inay u abaal-gudaan Madaxweyne Rayaale, oo u magacaabay Degmonimada Godaweyn oo uu sheegay in ay muddo dheer halgan ugu jireen "Hadii degmadii la inoo magacaabay, shanta sanno ee dambena sow Daahir Rayaale ma dooranno." Ayuu yidhi Md. Yasir. Taas oo ka qayb-galayaashii Xafladaasi dareeno kala duwan kaga jawaabeen.

Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale (Duur), oo ka tirsan Golaha Wakiilada, Ismarkaana ahaa mudanaha inta badan Wasiiro madashaa ka hadlay u jawaabayeen ayaa isagu tilmaamay in Deegaanka Gacanlibaax u baahan yahay wax qabad dhab ah oo balaadhan, isaga oo faah-faahin ka bixiyay baahiyaha ka jira Deegaankaasi, oo ay ka mid yihiin Biyo la'aan, Waddo-xumo iyo dhamaan adeegyadii bulshada oo aan Deegaankaa ka wada hirgelin. "Magacaabis ku qanci mayno, laakiin waxay ku xidhan tahay abaal-celintu waxa la qabto." Ayuu yidhi Xildhibaan Duur. Sidoo kale waxa uu tilmaamay, balan-qaadyo hore oo aan weli fulin oo uu sheegay in Xukuumadda looga fadhiyo inay qabato, isaga oo ka cudur-daartay in Gola Wakiillo ahaan wixii loo doortay dhab ahaan aanay uga soo wada bixin.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Siciid Sulub Maxamed, oo u muuqday mid duur-xulkaa siyaasadeed ee farta ku goday balan-qaadka hore ay u sameeyeen ka dabaalanaya, ayaa waxa uu sheegay in ay u arkayaan in xaq loogu leeyahay Xukuumad ahaan in loo soo jeediyo dhaliisha waxyaabaha laga tabanayo. Isla markaana waxa uu sheegay in Ilmaha yari marka uu dhasho maryaha u horeeya Waalidkiisu u iibiyo, Degmadan cusub oo uu muujiyay magacaabisteeda raggii u hawlgalay inuu ka mid ahaa ay sidaas oo kale tahay, Xukuumad ahaana aanay waxba kala hadhayn wixii karankooda ah. Isaga oo tilmaamay khayraad badan oo ku dihin deegaankaas, isla markaana ku dhiirigeliyay dadka Deegaankaas in ay iyagu wax qabsadaan, kana faa'iidaystaan khayraadka deegaankooda.

Wasiirka Beeraha Adan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa isagu sheegay in uu la yimi Degmadan cusub ha yaraatee deeqdii ugu horeysay, oo ah waxoogaa qalab ah oo lagu xanaaneeyo Shinida. Wasiirka Beeruhu mar uu Dalxiiska ka hadlayayna waxa uu yidhi, "Deegaankan quruxda-badan waxa fiican in laga sameeyo meel Mucaaradku markuu xiiqo uu ku nasto. Xildhibaan Duurna waxaan leeyahay dadkii ku soo doortay waxbaad u qaban lahayd hadaad Udub taadii la shaqayso."

Wasiirka Duulisa Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cali Maxamed Warancade, oo sidoo kale Munaasibadaa hadal ka jeediyay aya yidhi, "Balan-qaadyada ana saddex baan ku darayaa, Garoon diyaaradaha yar-yar iyo Ehelukobtaradu isticmaalaan oo Dalxiiska hawl yareeya, diyaarintiisa waanu ka hawl-galaynaa. Libaaxyadii iyo Fardihii deegaankani caanka ku ahaa, waa la soo qaaday, oo ma joogaan imika. Laakiin waxaan balan-qaadayaa oo aan ugu deeqay laba Libaax iyo laba Faras inaan keeno Buurta Gacanlibaax."

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-cirro), oo Xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in Deegaanka Go'daweyn ka mid yahay goobihii laga soo doortay, isla markaana waxa uu ugu mahad-naqay dhamaan ka qayb-galayaashii Munaasibadaa, isaga oo rajeeyay in Masuuliyiinta balan-qaadyada sameeyay ay ka soo bixi doonaan. "Warancadane, Libaaxyadaa uu balan-qaaday inaanu ku soo darin Libaaxii barigii dhawayd dadka cunay ku soo darin ayaan rajaynayaa." Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Suldaanka Maxamed Xasan Ibraahin, ayaa isaguna sidoo kale, si weyn u soo dhaweeyay guud ahaanba ka qayb-galayaashii Xafladaasi, waxanu sheegay inuu Illaahay ka baryayo in balan-qaadyada badan ee ay Masuuliyiintu halkaa ka jeediyeen loo aqbalo. Hase ahaatee, waxa uu dadweynaha u soo jeediyay inay isku tashadaan, waxna qabsadaan. Si markaa waxa ay qabsadaan ciddii wax ugu daraysaa ugu darto. "Hadii aynu nidhaah-no dawladii ayaa waxan keenaysa, dawladiibaa waxan samaynaysa waxba qabsan mayno." Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Xasan

Suldaan Axmed Nuur Samaale, ayaa isna ka mid ahaa Madax-dhaqameedkii lagu casuumay Munaasibadaa, isla markaana waxa uu amaan u soo jeediyay Munaasibada Go'daweyn loogu wanqalay. "Munaasibadani waxay dheertahay Munaasibadiihii kale, ninka Masraxan isa soo taagaaba in uu balan-qaad sameeyo, anagu se wax ka wayn baanu idiin haynaayoo waa idiin ducaynaynaa." Ayuu yidhi Suldaan Samaale.

Suldaan Maxamuud Maxamed Xandule, ayaa ka hadaly Xafladaas, oo tilmaamo ka bixiyay balan-qaadyada iyo sida loogu baahan yahay in la fuliyo. "Suldaan Saxardiid waxa uu yidhi 'Ninka naagaanu qabin dhirbaaxay Fool-xumo ayuu u yeedhay oo ugama tudho' Nidar uu galay ninka ka baxayna Naarbuu u yeedhayoo ugama noxo. Markaa Wasiirada balan-qaadyada sameeyayay waxaan leeyahay kuwaa Illaahay idinkama dhigo." Ayuu yidhi Suldaan Maxamuud.

Ka hor intaanu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cabdillaahi-Cirro), Xafladaas soo gunaanadin, waxa iyaguna halkaa ka hadlay Wasiirrada Xanaanada Xoolaha Idiris Ibraahin Cabdi iyo Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdirisaaq Waabari Rooble iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan. kuwaas oo dhamaantood ka hadlay mawduucyada ka khuseeya Degmadan cusub.

 
 

 
 

 
 

 
 

"Haddaan Abtigay Ilaahay ii soo dirin reer miyi Kabala baan ahaan lahaa" Xassan Gadh-weyne

 
 

Gacan-libaax (Ogaal) – "Anniga Xilka dawladeed ee aan hayo, Afar shay ayaa ii weheliya oo aanu isku leenahay deegaanka Go'da-weyn.  Mar waa la I dhalay, mar-na Gobolkaan (Saaxil) ayaan ahay, marna waa la I soo barbaariyay.

 Waxaan is leeyahay kolay hadahan (Wakhtigan), reer miyigaas Kabaha'la ayaad noqon lahayd hadaan Abtigaa Alle kuu soo dirin oo aanu miyi kaa soo kaxayn." Sidaa waxaa yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-gadhweyne) oo shalay ka qayb galay, islamarkaana hadal ka jeediyay munaasibad loo sameeyay wanqalka Degmanimada Go'da weyn ee Gobolka Saaxil oo ka mid ah degmooyinka dhawaan la magacaabay.

Xafladan oo lagu qabtay Buurta Gacan-libaax Wasiirka waxbarashadu, waxa uu ka xogwaramay xidhiidh sokeeye-nimo oo ka dhexeeyay bulshada Deegaankaas ku dhaqan, isaga oo tilmaamay in Aabihii oo dhawr Bahood lahaa, uu ka mid ahaa raggii hore ee dhaqanka ku fogaa, isla markaana jeclaa in Ubadkiisu ku barbaaraan Miyiga. "Aabahay miyiguu danayn jiray, shilinkuu helana Lo, Geel, Adhi iyo Barkad ayuu siin jiray, Caruurtana miyiga ayuu u diri jiray oo Quraanka ku dara ayuu odhan jiray. Markay quraanka dhameeyaana waxaa uu odhan jiray Geela u dira. Laakiin, anaga Abtigayo Axmed Khaawi Alaha u naxariistee ayaa ku yidhi ii daa Carruurta, oo ha iga gaynin Miyiga bahdan. Shan aabahay dhalay ayaanu isku bahnahay inta nool, shantaa ayuunbaa Iskuul galay. Markaa, waxaan leeyahay Abaalo badan ayaa deegaanku nagu leeyahay Ilaahay hanoo fududeeyee." Ayuu yidhi Xasan-gadhweyne.

Wasiirka Waxbarashada oo inta badan dadka Deegaankaasi ku tilmaameen in uu yahay ka kaliya ee ay ka yaqaanaan Golaha Wasiirada ee tirada badan, kormeero iyo iskuulo uu dhagaxa dhigayna lagu bartay. ayaa isaga oo amaantaa kaashanaya, isla markaana ka jawaabaya tabashooyinka looga jeediyay Madasha xafladaasi Xukuumada, waxa uu yidhi, "Hadii anigu aan soo noq-noqday waxaan matalayay Golaha Wasiirada, Wasiir kastaana waxa uu matalaa Xukuumadda uu ka midka yahay. Midho gunti ku jirana midho Geed saaran looma daadiyo. Markaa waxaan leeyahay qolada Mucaaradka ah balan-qaadyada ha badinina Habar fadhida Lagdini wax uga fudud'e, xilkuna culayskiisa ayuu leeyahay. Markaa, anaguna wixii aanu qaban karro ayuun baanu qabanaynaa."

 
 

 
 

Dunidu maxay ka tidhi Dagaalka Jabuuti iyo Ereteriya?

Addis Ababa (Ogaal/W.Wararka)- Caalamka ayaa u muuqda mid aragti isku dhaw ka bixiyey dagaalka dhex maray Dawladaha Ereteriya iyo Jabuuti, oo ilaa hadda inta la ogyahay geystay dhimashada ilaa 10 Askari iyo dhaawaca tiro kale.

Siday ku sheegeen Ciidamada Jabuuti War-murtiyeed ay soo saareen, ma jirin wax dagaal ah oo 36-kii saacadood ee la soo dhaafay ka dhacay halka ay isku horfadhiyaan Ciidamada labada dal. "Dagaalku wuu joogsaday 36-kii saacadood ee u dambeeyay, hase ahaatee Ciidamada Jabuuti waxay ku sugan yihiin meel ay ka difaaci karayaan soo gelitaanka Ciidamada Cadowga ee dhulka Jabuuti" Sidaa waxa lagu yidhi War-murtiyeedkaa ka soo baxay Ciidamada Jabuuti.

Golaha Ammaanka Midowga Afrika:

Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC), ayaa dhaleeceeyay dagaalka ka dhex qarxay Dawladaha Jabuuti iyo Ereteriya, isla markaana waxay ugu baaqeen labada dawladood inay joojiyaan Colaadda, muranka Xadka labada dal isku hayaanna ay wada-hadallo ku dhameeyaan.

Sida lagu sheegay War-Murtiyeed uu Golaha Ammaanka Midowga Afrika ka soo saaray fadhigiisii 136aad oo la soo gebogebeeyay, waxa uu labada dal ugu baaqay inay gacan ka geystaan dedaalka Ururka Midowga Afrika ugu jiro xallinta muranka Xuduudda labada dal.  Waxaanu dhaleeceeyay in la adeegsado Dagaal iyo awood Milatari. Sidoo kale Goluhu wuxuu ugu baaqay labada dal inay Ciidamadooda kala geeyaan goobihii loo kala cayimay ilaa 4 february 2008 oo ay ka hor dagaalkan ku kala sugnaayeen.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay:

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku cambaareeyay Dawladda Ereteriya dagaalka ay la gashay Dawladda Jabuuti. Waxaanay ugu baaqeen inay sida ugu dhaqsaha badan xabad-joojin u sameeyaan, isla markaana ay Ciidamadooda ka daad-gureeyaan halka muranku ka taagan yahay, oo ay geeyaan halkii ay markii hore kala degganaayeen labada dhinac.

Ururka Jaamacadda Carabta:

Ururka Jaamacadda Carabta, oo iyana ka hadashay Dagaallada dhex maray Jabuuti iyo Ereteriya, ayaa sheegtay sida ay uga xun yihiin dagaalladaas, isla markaana waxay ugu baaqeen labada dawladood inay Ciidamadooda la kala noqdaan, oo ay qolo waliba Ciidamadooda ku celiyaan halkii ay markii hore ku sugnaayeen.

Faransiiska:

Dawladda Faransiiska, ayaa taageertay Dawladda Jabuuti, waxaanay sheegtay in inkasta oo aanay ciidamadoodu si toos ah ugu jirin Dagaallada dhex maray Jabuuti iyo Ereteriya, haddana ay ka taageerayaan Ciidamada Jabuuti dhinacyada Saadka, Dawada iyo Sirdoonka.

Maraykanka:

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa ku eedaysay Dawladda Ereteriya inay weerar ku qaadday Jabuuti, isla markaana ku tilmaantay mid sii xumaynaysa nabadgelyada Gobolka Geeska oo ay sheegtay inay horeba u liidatay. "Waxaanu ugu baaqaynaa labada dhinac inay sida ugu dhaqsaha badan u joojiyaan cadaawadaha Milatari." Ayuu yidhi Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arr. Dibedda Maraykanku.

Jawaabta Ereteriya:

Dawladda Ereteriya, ayaa si cadho leh uga jawaabtay eedaynta ka soo yeedhay Dawladda Maraykanka ee ah inay iyagu Weerar ku qaadeen Jabuuti, isla markaana ay gar-darrada iyagu lahaayeen. "Waa nasiib-darro in Dawladda Maraykanku hormood ka noqoto oo ay ku dhex-milanto khilaafaadka ka dhasha Gobolka, oo looga dan leeyahay in rabshado laga abuuro Gobolka" sidaa waxa tidhi Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ereteriya.

 
 

Soo bandhigga Sawirada cusub iyo Jawaabta Dawladda Itoobiya

Washington (Ogaal/Reuters)- Khuburo ka tirsan Ururka Horumarka iyo Sayniska ee Maraykanka (AAAS), ayaa soo bandhigay Sawiro ay sheegeen inay yihiin Magaalooyin iyo Deegaamo ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo gubtay, isla markaana ku eedeeyay Dawladda Itoobiya inay awood-milatari u isticmaashay oo ay duqaysay. Hase yeeshee, dawladda Itoobiya ayaa iyadu dhinaceeda iska difaacday eedahaas, kuna riixday Kooxaha ka soo horjeeda, sida Jabhadda ONLF, inay sameeyeen falalkaa.

Sida uu sheegay Ururkan AAAS, Sawiradan ay soo bandhigeen oo lagu qaaday Aaladda Satelite-ka, waxay muujinayaan Calaamado gubasho iyo burbur kale oo gaadhay goobahaas. Sawiradan, oo daba socday Warbixin Ururka Xuquuqda Aadamaha ee Human Right Watch uu soo saaray maalintii khamiistii, waxay ku tilmaameen Ururkani inay muujinayaan Weeraro loo geystay kummannaan ka mid ah dadka ku nool deeganaadaas. "Dawladda Itoobiya had iyo jeer way iska-indho-tirtaa Warbixinada Xuquuqda Aadamaha, ee ay noo sheegeen dadka goob-joogayaasha ah ee aanu Waraysanay. Waxaanay ku tilmaantaa beenayaal iyo taageerayaasha Kooxaha Mucaaradka ah" Sidaa waxa lagu yidhi War-murtiyeed uu soo saaray Mr. Peter Bouckaert oo ah Agaasimaha gargaarrada ee Ururkaa Xuquuqda Aaadamaha ee fadhigiisu yahay Maraykanka. Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi, "Hase ahaatee, way ku adkaan doontaa inay dedafeeyaan caddaymaha hadda la soo bandhigay ee ah Sawirada Satelite-ka, kuwaas oo aan been sheegi karin"

Sida aanu ka soo xiganay Wakaaladda Wararka ee Reuters, Mr. Lars Bromley, oo ah Madaxa Mashruucan baadhista ee Ururka AAAS, ayaa sheegay inay baadhitaano ay ku sameeyeen goobahan ka hor intii aan la duqayn iyo ka dibba, ay muujinayaan in Sawiradani run sheegayaan. Waxaanu intaa ku daray in ay heleen siddeed goobood oo sawiradani muujinayaan in la duqeeyay. Kuwaas oo ay ka mid yihiin, Gobollada Wardheer, Dhagax-buur iyo Qorraxay, oo uu sheegay inay Sawiradu sheegayaan in dhawaan lagula kacay burburin.

Dhinaca kale, Dawladda Itoobiya ayaa dedafeeysay eedaymaha loo soo jeediyay, isla markaana waxay eedaymahaa oo dhan dusha u saareen Kooxaha ka soo horjeeda, siiba Jabhadda ONLF oo ay Dawladda Itoobiya sheegtay inay iyagu ka dambeeyaan arrimahaas oo dhan.

 
 

Somaliland: UNDP oo kordhinaysa Mashaariicda horumarinta

Hargeysa (Ogaal)- Wefti sare oo ka socday Hay'adda Mashaariicda Horumarinta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDP, oo booqasho hal maalin ah Somaliland ku yimi, ayaa 20 Baabuur ku wareejiyay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Caddaadalladda ee Somaliland.

Weftigan oo uu horkacayay ku-xigeenka Agaasimaha Gobolka ee Hay'adda UNDP, ahna Agaasimaha UNDP ee dalalka Carabta Mr. Abdoulaye Mar Dieye, kana koobnaa saddex xubnood oo ay ka mid yihiin, Agaasimaha Ha'yadda UNDP ee dalka Mr. Bruno Lemarquis iyo Madaxa Gargaarka Bani'aadamnimo ee Qaramada Midoobay Mark Bowden iyo Madax kale, ayaa Shirjaraa'id oo ay ka hor Xafladdii wareejinta Gaadiidkan ku qabteen Xafiiskooda Hargeysa, waxay ku sheegeen inay Xafiisyo ka furan doonaan Gobollada Dalka, isla markaana ay kordhin doonaa awoodaha Xafiiskooda Hargeysa. Weftigani waxay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Caddaaladda Somaliland ku wareejiyeen 20 Baabuur oo lix ka mid ah ay ugu talogaleen Maxkamadaha, halka inta kalena ay ugu talo galeen Ciidamada Booliska.

Ku-xigeenka Agaasimaha Gobolka ee Hay'adda UNDP, ahna Agaasimaha UNDP ee dalalka Carabta Mr. Abdoulaye Mar Dieye, oo ka hadlay Munaasibaddii wareejinta Gaadiidkan, oo lagu qabtay barxadda Ha'yadda UNDP ee Xafiiskeeda Hargeysa, ayaa sheegay inay wax ka tari doonaan Gaadiidkani hawlaha Qaranka. "Bixinta Gaadiidkani waxay awood u siinaysaa Booliska inay kordhiyaan hawlaha ay ka wadaan Gobollada oo ay ku jiraan isku-xidhka Bulshada iyo inay si wacan uga jawaabaan baahiyaha dalka" ayuu yidhi Mr. Abdoulaye. Waxa kale oo Munaasibaddaa ka hadlay labada Wasiir ee Arrimaha Gudaha iyo Caddaaladda. "Waxaanu ballan qaadaynaa inaanu Gaadiidkan xannaanayno oo sidii aad noola niyooteen ugu camal-falno, laguna fuliyo hawlaha nabadgelyo ee Booliska" ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Agaasimaha UNDP u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr. Bruno Lemarquis iyo Madaxa Gargaarka Bani'aadamnimo ee Qaramada Midoobay Mark Bowden, oo ka waramay xidhiidhka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo UNDP. Waxa isna halkaa ka hadlay Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Xasan Cali (Casoowe).

 
 

Guddoomiyaha SOLJA oo tababar u furay Koox Suxufiyiin ah

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa tababar socon doona muddo 5 maalmood ah ilaa 40-meeyo Suxufi oo ka kala socday Ha'yadaha Warbaahinta dalka, uga furay Magaalada Hargeysa.

Tababarkan oo lagaga hadli doono Xuquuqda Aadamaha, gaar ahaan ta Haweenka, laguna qabtay Xarunta Dalladda Ururada Haweenka ee Nagaad, Isla markaana ay fulinaysay Dalladda Nagaad, ayaa waxa munaasibaddii furitaanka hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-shiine), oo sheegay in ay Urur ahaan door bidayaan in Hablaha Saxaafadda ku jira aqoontooda la hormariyo, oo loogu dedaalo tababarrada noocan oo kale ah, maadaama ay ka tira yar yihiin ragga Saxaafadda ku jira. "Dalladda Nagaad waxaan u soo jeedin lahaa in ay tababarrada noocan oo kale ah ee arrimaha xuquuqda ku saabsan, ugu dedaashaan Hablaha Saxaafadda ku jira, si ay u helaan oqoon dheeli tiran, oo ay ku gutaan waajibaadkooda shaqo, maadaama uu raggu ka tira badan yahay wakhtigan." Ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA. Waxaanu tilmaamay baahida loo qabo in Suxufigu aqoon u yeesho arrimaha sharciga iyo Xuquuqda Aadamaha, si aanu ugu xadgudbin xaq qofkale leeyahay, ama aan isaga tiisa loo duudsiyin ee uu xaqiisa iyo xaqa qof kasta oo muwaadin ahi leeyahay uga hadli karo, una difaaci karo. Waxaanu u soo jeediyay ka qayb-galayaasha, in ay ka faa'iidaystaan waxyaabaha ay muddadaa shanta cisho ah ku bartaan tababarkan, isla markaana uga faa'iideeyaan Suxufiyiinta kale ee aan ka qaybgelin tababarkan iyo guud ahaanba bulshada kale, kuna dabbaqaan waajibaadkooda shaqo ee looga baahan yahay.

Sidoo kale, Kaltuun Sheekh Xasan, oo u hadashay qaybta Xuquuqal Insaanka ee Dallada Ururada Haweenka ee Nagaad, ayaa faah-faahin ka bixisay ujeedada ay aqoon iswaydaarsigan ugu talagaleen, oo ay ku sheegtay in ay tahay sidii wax badan looga ogaan lahaa xuquuqda qof kasta oo bani'aadam ahi, gaar ahaana Haweenka. "Waxyaabaha aanu ugu tagalagalay in aad wax kagaga ogaataan tababarkan waxa weeye xuquuqda qofka Aadamaha ahi leeyahay, gaar ahaana Haweenka, maadaama aad tihiin Saxaafaddii dalka, oo qalinkiinu ama eraygiinu meel dheer ku dhacayo" ayay tidhi Kaltuun.

 
 

Xisbiga UCID oo Ereteriya ku cambaareeyay Dagaalka Jabuuti

"Reer Jabuuti waanu garab taagannay,

laakiin kaalintaanu ka sugaynay kama hayno"

Xisbiga UCID

Hargeysa (Ogaal)- "Dagaalka Eratariya ku soo qaaday Jabuuti waanu cambaaraynaynaa, reer Jabuuti baanu garab taaganahay, waxaanu u arkaynaa inay tahay gardaro cad oo lagu soo weeraray dalkoodii. Jabuuti kaalintaynu ka filaynay Somaliland ahaan kama hayno, taas oo ahayd inay isku keen garab-taagaan Qadiyaddeena, balse tan maanta way ka duwan tahay oo dal aynu daris nahay, walaalo nahay oo la soo gardaraystay weeye. Markaa taa iyada ah waanu ku garab-taaganahay inay iska difaacaan wixii gar-daro ah ee kaga yimaadda dhinaca Eretariya." Sidaa waxa yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf), oo ka hadlay mawqifka Xisbigooda eek u wajahan dirirta cusub ee Ereteriya iyo Jabuuti, maalin ka dib markii uu Xisbiga kale ee Mucaaradka ah ee Kulmiye ugu baaqay Dawladda Ereteriya inay joojiso Dagaalka ay ku soo qaadday Jabuuti.

Guddoomiye xigeenka Xisbiga UCID Md. Waqaf oo arrintaa ka sii hadlay, wuxuu intaa raaciyay, "Wallaahi, Eratariya waxaan u arkaa inay tahay dal Geeska Afrika ka mid ah, dad wallaalo ah oo daris ahna waa la wada yahay, balse waxaad moodaa maamulka halkaa ka jiraa inuu yahay maamul had iyo jeer doonaya inuu cudud wax ku raadiyo. Laakiin, waxa ka wanaagsan in Miiska wada-hadalka la isugu yimaado, la wada-hadlo, waxa la isku hayana si salmi ah (nabad ah) lagu dhameeyo oo aan xabbad iyo Qori caaradii wax lagu dhamayn. Ta aanu Eratariya ka rajaynayno ee aanu ka filaynaana waataa. Taasaana derisnimada  Geeska Afrika iyo dhamaan Mandaqaduba ay ku noqonaysaa nabadgalyo.

Guddoomiye-xigeenka Xisbiga Ucid Md. Waqaf, wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, "Laakiin, mawqif ahaan dhinaca siyaasadda Jabuuti, Somaliland halka ay ka taagan tahay waynu ognahay. Markaa taana waxaanu leenahay dad wallaalo ah ayaynu nahay Madax iyo Shicibba, waxaanu ka codsanaynaa Jabuuti inay gartaan danta Somaliland inay tahay wax iyagana u soo kordhaysa oo ah tii walaalnimada ahayd ee la isku lahaa iyo tii hiilka ahayd ee ay hore Somaliland shacabkeedu ugu gaysteen mid la mid ah, inay maanta iyaguna inoo gaystaan ayaa laga filayay."

Mawqifka Xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland ee ku wajahan dhinaca Jabuuti waxa loo arkaa mid isbed-bedela oo aan meel taagnayn. Isla markaana Guddoomiyaha Xisbiga UCID dhawaan mar uu dadka reer Borama la hadlayay Xuskii 18 May, wuxuu ku xusay khudbaddiisa inay Jabuuti ka mid tahay meelaha ku farxa Khilaafaadka Somaliland, taas oo sababtay inay ka jawaabaan aqoonyahanno iyo Siyaasiyiin kale oo reer Somaliland ah, kuwaas oo raaligelin ka bixiyay hadalkaa. Sidaa daraadeed, mar aanu guddoomiye xigeenka wax ka waydiinay isbedbeddalka noocaas ah, wuxuu ku jawaabay. "Wallaahi horta, markaad Xisbi ka hadlayso iyo fikirka Siyaasiga ah ee Shaqsiga ahi waa kala jaad. Anagu Xisbi ahaan mar walba waxaanu leenahay kaalintii Jabuuti aanu ka sugaynay Somaliland ahaan kama hayno. Balse waa dad aanu wallaalo nahay, kana sugayno is-faham iyo in caqligu shaqeeyo, gartaana qadiyada Somaliland waxa ay tahay."

Inkasta oo guddoomiye-xigeenka Xisbiga Ucid sidaa ku dooday, haddana Xisbigiisu talada ma hayo. Isla markaana Xukuumadda Somaliland ee Xisbiga UDUB marna lagama hayo weedh la mid ah taas. Mar aanu arrintaas wax ka waydiinay Guddoomiye-xigeenkana wuxuu ku jawaabay, " Waxaan ku idhi anigu fikirkayga ayaan ka hadlayaa iyo ka Xisbi ahaan, oo kaalintaanu ka sugaynay Jabuuti kama hayno. Anigu ma garanayo iyaga iyo Xukuumadda wax hoos ahaan uga dhexeeya oo anigu taa ma sheegi karo. Laakiin, ta aan sheegayaa ee aan ka hadlayaa waa waxa cad ee daahirka ah iyo in aanay Jabuuti qadiyadda Somaliland taageerin. Laakiin Shicib ahaan, labada Shicib ee Jabuuti iyo Somalind xidhiidh baa ka dhexeeya, soo jireen ahaa, oo xaga ganacsiga iyo is-qaddarintaba ah. Laakiin waxaan anigu ka hadlayaa xukuumad ahaan, mawqifka shacbiga iyo ka Xukuumadduna way kala duwan yihiin."

Haddaba, maxaa ka mid ah waxyaabaha uu guddomiye ku-xigeenku sheegay inay Somaliland ka sugayso Jabuuti ee ay ka wayday? Guddoomiye xigeenka oo su'aashaas ka jawaabayaa wuxuu yidhi, "Somaliland gooni isutaageedu waa rabitaan dadweyneheeda ka yimi, maadaama uu Shacbigeeda ka yimi laba shacbi oo wallaalo ahna la yahay, in lagu qadariyo oo lagu qiimeeyo weeyaan qaddiyadooda iyo gooni-isutaagooda, taanu Jabuuti ka filaynay in aanu hiil kaga helaana, taas weeye."

Marka laga hadlayo qaddiyadaha noocan oo kale ah, cid kastaaba waxay guusha qaddiyaddeeda ay ka gaadhaa ku xidhan tahay, hadba siday uga iibiso cidda kale ee ay doonayso inay wax ka tarto. Sidaa aawadeed, waxay isweydiintu noqonaysaa, Somaliland siday qaddiyaddeeeda uga iibisay Jabuuti ma tahay mid ay ku kasban karto oo ay kaga heli karto waxay uga baahan tahay, mise, khaladku dhinacan ayuu ka jiraa? Su'aal arrintaa la xidhiidha oo aanu waydiinay Guddoomiye xigeenka UCID, waxa uu kaga jawaabay, "Horta, cid ayaa inoogu xilsaaran xagga iibinta qaddiyadda Somaliland, oo waa xukuumadda maanta jirta. Iyadaana laga rabay ama mid shishe ha ahaato ama mid soke'e, inay ka dhaadhiciso. Laakiin, anagu waxaanu leenahay Jabuuti kaalintii Ictiraafka amaba is bar-bar taagga qadiyada Somaliland ee aanu ka filaynay kama hayno. Balse, si gaar ah Xukuumadda Somaliland ayaa ugu igman iibinta qaddiyadda Somaliland, kolbana waxay inoo sheegto ayuun baynu wax ka odhan karraa."

Source: Xarunta wargeyska Ogaal, Hargeysa.

Source: Somaliland.Org

 

No comments: