Monday, April 6, 2009

Xaflad Balaadhan Oo lagu Xusayay Asaaskii Ururkii SNM Oo Lagu Qabtay Xarunta KULMIYE Ee Hargeysa

Monday, 06 April 2009
ImageHargeysa(Hormoodnews)-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa maanta duhurkii rasaas ay cirka u ridayeen ku kala kaxeeyay Taageereyaasha Xisbiga KULMIYE, oo galbinayay Guddoomiyaha Xisbigaasi Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], oo socod ku marayay jidka u dhaxeeya Xarunta xisbiga KULMIYE iyo Gurigiisa.

Ka dib markii ay ka soo dareereen xaflad lagu xusayey sanad guuradii 26-aad ee ka soo wareegtay aasaaski ururkii SNM.


Ciidanka Booliska oo ku sugnaa dulleedka  xarunta KULMIYE ayaa taageereyaasha sii galbinayey Guddoomiyahooda kor ugu riday rasaas socotay qadar daqiiqado ah, oo sababtay in taageereyaashaasi ay dib u cararaan, ka dibna Md. Axmed Siilaanyo iyo Taageereyaal xoogaa ah ayay u suurto gashay inay socod ku maraan  wadada laamida ah illaa ay ka gaadhayeen gurigiisa oo ku yaala duleedka Aqalkii  hore ee martida magaalada Hargeysa.

Rasaastaasi ciidanka Boolisku ku fureen taageereyaasha KULMIYE ayaan geysan inta la og-yahay wax khasaare ah, in kasta oo dad ku dakhrameen markii ay is jiidheen.


Xuskaa loo sameeyay aasaaskii SNM, ee lagu qabtay xarunta KULMIYE Hargeysa  oo ay ka soo qeyb galeen Hoggaanka xisbiga, Xildhibaanada KULMIYE kaga jira Golaha Wakiilada, Md. C/Qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada isla markaana ka tirsan xisbiga UDUB iyo Boqolaal qof oo ka mid ah Taageereyaasha KULMIYE.


Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] oo xafladaasi ka hadlay ayaa u mahad naqay taageerayaasha xisbigaasi ee ka soo qeyb galay munaasibada 26 sano guurada ka soo wareegtay aasaaskii ururkii SNM ee lagaga dhawaaqay magaalada London. waxaanu yidhi "Waxaan maanta isugu nimi in aan xusno maalintii aaskaaskii SNM oo magaceedii u horreeyay lagaga dhawaaqay magaalada London SNM waa ururkii xorreeyay dalkan iyo dadkan, dawladnimada aynu haysano maanta waa ururkii inoo horseeday halgankeeda, waxa ayaan darro ah oo halkan in aan xafiiskeenan ku qabano xuskaas, waayo beertii Xoriyada ee xafladan lagu qaban jiray ee la isugu iman jiray oo loo diiday. Waxay ahayd Qaran ahaan maalin la xuso aasaaskii SNM sanad walba maxaa maanta Beerta Xoriyada loogu xusi waayay? Waxay yidhaahdeen Hudheel la gala waxa ku xigta inay yidhaahdaan dib dambe loo xusi maayo, in Aqal madow lala galo waa Talaabadii u horreeyay ee lagu dafirayay waliba ayaan darradu waxa weeye waxa loo adeegsanayaa dad Halgankii ka mid ahaa oo si xun loo adeegsaday waxaanan leeyahay waa ayaan darro inay taasi timaado."


"Waxaanu go'aansanay inaynu xafladan ku qabano meeshaasi sida dharaarta u cad ee cid waliba arkayso, maantana aan marka aan halkan ka tagno illaa Gurigaygii u lugayno, waanu soconaynaa anagoo shacbigayaga taageeradiisa haysana, waxaynu u halgamaynay xoriyad, dimuqraadiyad iyo ummad walaalo ah oo nabad ku nool in la helo kii ayaanu doonaynaa in lagaga dhabeeyo,"Ayuu yidhi Md Axmed Siilaanyo.


Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu sheegay inay yihiin  kuwo xisbi ahaan illaalinaya nabad gelyada iyo xasiloonida dalka, waxaanu yidhi "Nabad-gelyo darro ma wadno, taas macnaheedu ma aha in aanu xadhig iyo xabis ka baqayno xoriyadayada waanu ku adkaysanaynaa oo waanu mudaharaadaynaa waanu u soo baxaynaa maanta, barrito iyo maalinta ku xigtaba. Waxaanu leenahay Daahir Rayaale sharcigii baa ka dhacay, dimuqraadiyadii ayuu ku tuntay  qiimaheedii ayuu dilay shacbigiina wuu boobay. Dhalinyadaradii buu laayay dumarkii buu dhacay waanu ka soo dhicinaynaa"


Md Axmed Siilaanyo wuxuu  cambaareeyay xadhiga xubno ka tirsan masuuliyiinta xisbigiisa ee Gobolka Saaxil, oo maanta magaalada Berbera lagu xidhay mar ay abaabulayeen xafladii aasaaskii ururkii SNM.


Waxa kale oo uu dawlada ku eedeeyay inay bilowday inay xabsiga u taxaabto culimada dalka ee ka hadla arrimaha wadanka ka taagan.


"Halkaasi Wadada Xarunta KULMIYE agtiisa waxa jooga ciidankii Booliska ee nabadgelyada dalka, waxaan leenahay shaqadooda ayay qabsanayaan waynu ixtiraamaynaa waxaanu leenahay walaalayaal xaqa ku ekaada oo na wada illaaliya, yaan la idiin adeegsanin  dulmi,"Ayuu yidhi Md Siilaanyo.


Xildhibaan C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde, oo ka tirsan Mudaneyaasha xisbiga UDUB kaga jira Golaha Wakiilada Somaliland lagana soo doortay Gobolka Hargeysa, ayaa hadal uu ka jeediyay xafladaasi wuxuu ku naqdiyay ciidamo la keenay duleedka xarunta dhexe ee  xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi "Wallaalayaal waxaan markii aan halkan soo galayay aan arkayay Ciidamo tiro badan oo Boolis ah, waxaan leeyahay waa ayaan darro in KULMIYE oo ah xisbi qaran oo sharci ah in la dulkeeno ciidamo aanay dalban. Xisbigu isagaa is nidaaminaya markaa uu u baahdo ciidan isagaa soo dalbanaya.".


Md C/Qaadir Jirde, wuxuu sheegay in Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee KULMIYE iyo UCID ay yihiin Madaxweyneyaal kayd ah, waxaanu tilmaamay inay qasab ku tahay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin inuu la fadhiisto oo ay ka wada heshiiyaan xaalada dalka xilligan ka jirta.


Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay oo si balaadhan tafaasiil uga bixiyay halgankii ururkii SNM ee dib u xoreynta Somaliland Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE, C/Raxmaan C/Qaadir Faarax, Jamaal Caydiid Ibraahim iyo Oday Maxamuud Dhoole-Dahable.


Sidoo kale  waxa xafladaasi ka hadlay Md. Ibraahim Axmed Haybe[Ibraahim Kacaan] iyo Md. Fu'aad Aadan Cadde, oo cambaareeyay go'aanka muddo kordhinta Guurtidu dhawaan u samaysay Madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa.


Dhinaca kale, xaflad noocan oo kale ah oo ay  wada jir u soo qaban qaabiyeen jimciyada mujaahidiinta Sooyaal iyo xukuumada Somaliland ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Ammbassador ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo qaarkood ay ka mid ahaayeen saaraakiishii ururkii SNM iyo dadweyne kale.

 

Hormoodnews.

 

No comments: