Saturday, April 4, 2009

Mudane ka mid ahaa baarlamaanka wadaaga oo

Mudane ka mid ahaa baarlamaanka wadaaga oo
xilkii ka tagay
 markii uu ka gaadhay dantii uu ka lahaa

Jamal Cismaan 
_______________
Muqdisho, April 04, 2009 (WDN) –Sheekh Axmed Yuusuf Madoobe Islaam oo xubin ka ahaa baarlamaanka wadaaga ah ee lagu soo dhisay heshiiskii Jabuuti, ayaa magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay in uu kabaxay baarlamaankaasi.

Sheekha ayaa u sheegay dad isugu soo baxay faagaaraha beerta xuriyadda ee magaalada Kismaayo inaanu isagu u dhaaran ka mid ahaanshiyaha baarlamaanka cusub. Sheekha ayaa ku biiristiisii hore ee barlamaanka sal uga dhigay ujeedo kaliya oo ahayd in uu ka soo baxo xabsi ay Itoobiya ku heysatay isaga, ka dib markii ay ku qabteen Jubbooyinka sanadkii 2006da markii maamulkii Maxaakiimta laga saaray Soomaaliya.

Bilowgii sanadii 2007 ayaa Sheikh Axmed Madoobe oo ay wehliyaan madaxdii Maxaakiimta Islaamka sida Sheikh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xassan Daahir waxa ay isaga bexeen magaalada Kismaayo. Waxayna galeen Howdka Badmadow, ka dib dagaal weynihii dhexmaray ciidamadii Maxaakiimta iyo kuwii Itoobiya oo ay ku jabeen Maxkamadaha Islaamka. 

Jamal Cismaan 
WardheerNews, Muqdisho

No comments: