Saturday, April 4, 2009

Maxamed Xaashi oo si xoog leh u dhaliilay muddo kordhinta ay Golaha Guurtidu u samaysay Madaxweynaha Somaliland & Ku xigeenkiisa

Maxamed Xaashi oo si xoog leh u dhaliilay muddo kordhinta ay Golaha Guurtidu u samaysay Madaxweynaha Somaliland & Ku xigeenkiisa

Maxamed Xaashi Cilmi
April 03, 2009
_______________
Hargeysa, April 03, 2009 (WDN) - Guddoomiye xigeenka urur siyaasadeedka Qaran 
Md. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa bayaan qoraal ah oo uu aad ugu dhaliilayo muddo kordhinta 6 bilood ah ee ay Golaha Guurtidu u samaysay madaxweynaha Somaliland iyo ku xigeenkiisa soo saaray dhawaan. Waxa kale oo uu Md. Maxamed Xaashi dhaliil iyana usoo jeediyay Golaha Wakiilada oo uu ku tilmaamay in ay ka gaabiyeen xilkoodii kol hadday miisaaniyad ay og yihiin in ay khaldan tahay, xisaab xidhna looga keenin ansixinayaan sannad walba.

Bayaankaas oo dhamaytirsani waxuu u qornaa sidan:

Himilooyinka xilgudashada Baarlamaanka waxa ugu uhiimsan arrimahan soo socda :-

Qodobka 38: 4-j Hirgelinta xeerarka u degsan Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaqiijinta taabbagalka cadaaladda oo sal u ah xasiloonida guud ee Jamhuuriyadda iyo isu-kalsamaanta iyo iskaashiga dadweynaha Somaliland". 
Bal u fiirso hab-dhaqanka labada gole ee Baarlamaanka  Golaha Guurtidu wuxu go'aamiyay, 28 March 2009 inuu muddada xilka u kordhiyo Madaxweynaha iyo ku xigeenka Madaxweyne lix bilood oo ku egg ilaa 29 Oct. 2009.

Suaashu waxa ay tahay, muddo kordhintani Dastuurka ma waafaqsan tahay? Jawaabtu waa maya. 

Dastuurka Qodobka 83: 5 wuxu u qoran yahay, sidan: " Haddii ay suurtoobiweydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo, doorashaduna ku qabsoomi karto" 

Mudanayaasha u codeeyay, muddo kordhinta xilka ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Madaxweynaha waxa ay ku gafeen, Dastuurkii Qaranka iyo shacbiga reer Somaliland, iyaga oo danahooda gaarka ah ka doorbidaya, Xilkii loo igmaday iyo Xaaladaha adage ee dalku marayo.  Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha waxa xilka loo doortay shan sannadood May 2002, ilaa May 2008kii. Waa mar labaadkii Guurtidu u kordhisay muddada xilka, oo aan Dastuurka waafaqsanayn. 

Maanta waxa ay ku joogaan ma aha sharci iyo doorasho ee waa ku meel-gaadh (InterimGovernment), illaa 6 da April 2009. Muddo kordhintani, waa mid dadweynaha xorta ihi ka soo horjeedo. Waa mid aan la qaadan karin oo aan la yeeleyn. Waa mid dalka u horseedaysa xasillooni darro. Waa mid ka soo horjeedda rabitaanka dadweynaha danaynaya jiritaanka iyo Qaranimada JSL. Waa mid caqabad ku ah geedi socodkii doorashaooyinka. Waxa iyana isweydiin leh, Maxaa u sal ah xidhiidhka iyo kal-gaceylka odayaasha Guurtida ee goor walba u dhaga-nugul amar qaloocan oo Madaxweyne? Labadan arrimood baa sabab u ah;

1. Aqoon darro ay xilka culus ee loo xambaariyay, aanay ku gudan karayn. Mudanayaasha intooda badani, ma gaadh-siisna waxbarasho dugsi dhexe.

2. Dhaqaale ama dhaameel salka ku haya awooddaa lacageed ee laxaadka leh ee ku soo ururta Madaxweyne. Awooddaa dhaqaale, ayaa hooyada xumaha dalka ah. Maalinta loo kordhiyaa maamulkan waa dar-xumo, u soo koradhay JSL shaqaalihii iyo ciidamada kala duwan ee Qaranka ee mushaharka la siiyaa hadda, uu ka hooseeyo 500 % kii la siin jiray 1994kii.

Shaxda 1: Isu-eegid Mushaharka Shaqaalaha iyo Ciidamada 

Darajada A Mushaharka Hadda $ 68.00 Mushaharka 1994 $ 340.00 
Darajada B Mushaharka Hadda $ 56.00 Mushaharka 1994 $ 280.00 
Darajada C Mushaharka Hadda $ 42.00 Mushaharka 1994 $ 215.00 
Darajada D Mushaharka Hadda $ 24.00 Mushaharka 1994 $ 120.00 


Waxa intaa dheer shaqala la'aan, maceeshad qaali ah iyo iskuul-fii ku culus waalidka ardayda. Waa arrimaha da'yarta ku kalifay TAHRIIBKA. 


Golaha Wakiilada, ayaa isna qayb ka ah dhaliisha iyo dhibaatada dalka. Wuxu ansixiyaa sannad walba, miisaaniyad ay ka dheregsan yihiin in adduun badani ka maqan yahay oo aan xisaab-xidhna lahayn. Waa arrin ah ku xad-gudub Dastuurka Qaranka, waana xil-gudasho darro.Waa ta 
 abuurtay in awoodda dhaqaale iyo maamul ku soo ururto Madaxweyne; "Qodobka 55: 6.Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakiilada xisaab-xidhka sannad maaliyadeedkii dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhamaadka sannad-maaliyadeedka, iyada oo Golaha Wakiiladu ka doodayo, go'aana ka soo saarayaan Qodobka 7.
U soo bandhigidda (G/wakiilada) xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti-dhawrka Guud". 
Dhaqaalaha 
dalku wuu taag-daran yahay. waxana u sabab ah musuq-maasuq; Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyaddu si weyn bay ugu tagrifalaan dhaqaalaha dalka. Dakhliga waxa loo qaybiyaa saddex meelood:

  1. 1-Qaybta libaaxa ( Madaxweyne), oo ah ta ugu badan. Taas oo aan gelin Miisaaniyadda Qaranka,
  2. Qaybta Wasiirka. Qiyaas ahaan waa 45.5 % dakhligii soo xerooda, laakiin aan gelin Miisaaniyadda Qaranka. Dul-xaadis baa la odhan karaa.
  3. Waxa soo hadhay waa inta Miisaaniyadda Qaranka lagu qoro, oo wax horumar ihi aan ku jirin, oo ay u weheliso feenashada wasiiradu. 

Toddobadii sannadood ee Xukuumaddan, maalka ka lumay ummaddan saboolka ah, waxa uu noqon lahaa, in ka badan, shaxda qaybteeda sare oo ah $ 365,591,849. Waxa ummadda isu raacay, saboolnimo aan dalkeedu gabin iyo magac-xumo dawarsi. Sida Doorashada caalamku ha naga gar-gaaro, UNDP Madaxtooyada ha noo dayactirto iwm. 

Shaxda 2: Dakhliyada aan Miisaaniyadda 2008 gelin


Dakhliga la leexsado ee ah 45.5 %. (Eeg SL in Figures) $ 20,593,159 
Dakhliga Haamaha Berbera $ 1,742,024 Dakhliga Dekedaha  $. 8,000,000 
Lacagta adage ee xoolaha dhoofa $ 3,883,356 
Inta faro dhexdood ka baxda (15 %) $ 6,788,954 
Hadhaaga miisaaniyaddii sannadkii hore (Feenashada wasiirada) $ 2,657,143 
Dakhliga Maddaarada iyo $ 2.00 ee Waran Cadde $ 1,687,723 
Labada qiime ee $ ( marka laga jaray lacagta adag ee raashinka 
ciidamada ) $ 6,875,048 
Isugeyn $ 52,,227,407 


Kaluumaysiga:

Waa dakhli ka badan miisaaniyadda Qaranka Joint Venture Co. Royalty-Fish 15 % Qiimaha? 
Foreign Co. Royalty-Fish 20 % Qiimaha ? 
National Co Royalty-Crustacean 15 % Qiimaha ? 
Joint Venture Co Royalty-Crustacean 20 % Qiimaha ? 
Foreign Co Royalty-Crustacean 20 % Qiimaha ? 
National Co. Royalty-Fish 10 % Qiimaha ? 
Dhagaxa (Coral reef) ee laga iibiyo Masar iyo UA E ? 
Iibka hantida maguurtada ah ? 
Deeqda Dawladaha ? 


Xil-gudashada G/Wakiilada ee Miisaaniyadda Qaranku, kuma eka dood iyo falanqeyn oo qudha. Waxa Dastuurku ku waajibiyay, inay maxkamadda u gudbiyaan ciddii ay hanti ummadeed ku maqan tahay ba. 
Waxa soo afjarmi lahaa amar ku taagleynta iyo dhaameelka aan qarsoodiga lahayn. Guurtida khariban, af-miishaarka iyo suldaanka xun, baa laga nasan lahaaa, da'yartu shaqay heli lahayd dalkuna horumar buu gaadhi lahaa
.

Ebbow iimaanka nagu so dabbaal.  

ALLAA MAHAD LEH 

Maxamed Xaashi Cilmi
Aamiin 
------------------------------
F.G
Soo ururinta Xogtani waxa ay igu qaadatay dhawr bilood. Waxa ka reeban HAFFAR iyo wax aan la HUBIN. Ilaha Xogtu (Source) waa Miisaaniyadaha Qaranka ilaa 2008 iyo buugga Somaliland In Figures ee Wasaaradda Qorshayntu soo saarto ee UN maal geliso, M. Xaashi. 

No comments: