Monday, April 6, 2009

Hadaladii geesinimada lahaa ee cabdulqaadir Jirde

Hadaladii geesinimada lahaa ee cabdulqaadir Jirde ee Xaflada SNM ee ka socota xarunta KULMIYE
waana laga yaabaa in aanan fikradaha qaar ku raacsanayn, laakiin arrintan hadda taagan ee kordhinta iyo diidisteeda waan ku raacsanahay, inay ka mudaharaadaana xaq bay u leeyihiin,Cabdilqaadir jirde

saraarnews - Hargeysa, April 6, 2009 


Cabdulqaadir jirde ayaa si lama filaan ah u yimid xarunta Kulmiye iyo xafladii socotay, waxaana la siiyey mikarafoonkii, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:
Kulmiye waa Xisbi Qaran minka is yidhaa daah saarna gudcur ayuu gudayaa, waana laga yaabaa in aanan fikradaha qaar ku raacsanayn, laakiin arrintan hadda taagan ee kordhinta iyo diidisteeda waan ku raacsanahay. inay ka mudaharaadaana xaq bay u leeyihiin, inay xukuumadu arrintaas si kale u aragtana way ku khaldan tahay, nabadgelyaduna waa inaga wada dhaxaysaa.
Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye waxa uu leeyahay maamuuskiisa, iyo qadarintiisa, waana madaxweynihii keydka ahaa ee Qaranka, inay Xukuumadu caydana ama lagu yidhaahdo erayo deelqaaf ahna waxaan u arkaa inay tahay khalad.
In diimoraadiyada la xoojiyana kulmiyaan ku raacsanahay.
iyo erayo kale oo guubaabo iyo taageero u badan. Xataa dadkii meesha tubnaa waxay is weydiinayeen Cabdilqaadir jire ma KULMIYE ayuu ku biiray

No comments: