Friday, March 27, 2009

Wiil uu dhalay wasiirka xidhiidhka golayaasha Somaliland ayaa lagu xidhay magaalada Addis Ababa

Addis Ababa (saraarnews)- Wiil uu dhalay wasiirka xidhiidhka golayaasha Somaliland Md. Cabdi Xasan Buuni oo muddo dheer ka tirsanaa shaqaalaha

safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Ethiopia oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdi Xasan, ayaa lagu xidhay magaalada Addis Ababa, kadib markii lagu warhelay inuu dad badan sifo sharci-darro ah ugu tahriibiyey waddamada Yurub.

Sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola fadeexaddan waxa wiilka wasiirka la xidhay 7 March 2009, iyadoo xadhiggiisa lala xidhiidhinayo xoghaynta wasiirka xidhiidhka golayaasha oo uu 5 March 2009 u tahriibiyey dalka Ingiriiska, gabadhaas oo lagu qabtay magaalada London kadib markii ay ka duushay Addis Ababa, waxana Maxamuud Cabdi Xasan Buuni dhalay lagu eedeeyey inuu si sharci-darro ah dad badan ka tahriibiyey gudaha Ethiopia, isla markaana tahriibayaasha ka qaadan jiray lacago aad u badan.

Arrintan ayaa la sheegay in xiisad ka dhex abuurtay safaaradda Somaliland ee Addis Ababa iyo dawladda Ethiopia, iyada oo dalka Ingiriiskuna ganaax culus saaray shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines oo lagu eedeeyey in dad tahriibayaal ah oo baasaaboorro khaldan wata ay keentay waddankooda.

Baadhitaan Itoobiyaanku dhacdadaas ka sameeyeen waxa ay ku ogaadeen in safaaradda Somaliland gacanta ugula jirto fadeexadaha la xidhiidha dadka sida qarsoodiga ah looga tahriibiyo gudaha Ethiopia, kuwaasoo la saaro diyaaradaheeda u kala goosha dunida, waxana baadhistan lagu ogaaday in Maxamuud Cabdi Xasan Buuni uu si toos ah ugu lug leeyahay falalka la xidhiidha tahriibinta dadka.

Maxamuud Cabdi Xasan oo tan iyo dawladdii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ka shaqaynayey safaaradda Somaliland ku leedahay Ethiopia, ayaa ilahaasi xuseen inuu yahay nin khabiir ku ah qaabka tahriibinta qarsoodiga ee dadka, isaga oo ilaa wakhtigaas tahriibiyey ugu yaraan toddoba qof oo ay ku jiraan xubno qaraabadiisa iyo ehelkiis ah.

Waxa kale oo ilahaas xogogaalka ah xaqiijiyeen in madaxweyne Rayaale uu arrintan shalay kala hadlay wasiirkiisa xidhiidhka golayaasha Md. Cabdi Xasan Buuni, iyada oo arrintani xiisad ka dhex abuurtay xidhiidhka wada-shaqayneed ee Safaaradda Somaliland iyo dawladda Ethiopia, waxana la filayaa in wasiirku maalmaha soo socda u kicitimo dhinaca Ethiopia si uu arrimahan wadahadal ugala soo yeesho masuuliyiinta dalkaas.

Waxa isna jiray masuul safaaradda Somaliland ee Ethiopia  ka tirsan oo madaarka Addis Ababa nin ku dhaafiyey inuu yahay wasiirka ciyaaraha Somaliland, balse markii dambe laga caydhiyey Ethiopia, kadib markii la ogaaday in ninkaasi si been-abuur ah loo tahriibiyey oo aannu ahayn Wasiirka Ciyaaraha Somaliland.

Tallaabooyinka noocan ah ayaa u muuqda qaar dhaawacaya sumcadda iyo kalsoonida beesha caalamku ku qabto Somaliland, gaar ahaan dawladda Ethiopia oo uu ka dhexeeyo xidhiidh saaxiibtinimo oo qoto dheer.

Wasiirka xidhiidhka Golayaasha Qaranka Md. Cabdi Xasan Buuni oo aanu xalay isku daynay in aanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogalin, kadib markii uu telefoonkiisa gacanta qabtay nin qaraabadiisa ah, kaasoo Jamhuuriya u sheegay in wasiirku ku maqan yahay suuqa oo uu ka tegay telefoonkiisa.

source: Jamhuuriya

No comments: