Saturday, March 7, 2009

Dareemada Shakiga Leh Ee Ku Xeeran Booqashada Madaxweyne Rayaale Iyo Weftigiisu Ay Ku Joogaan Djibouti


Faallo: Maxamed Sagax Hatuf

Madaxweyne Rayaale iyo wefti uu hogaaminayo oo shalay u anbabaxay socdaal la sheegay inuu martiqaad kaga helay wasiirka arrimaha dibada ee UK, taas oo aan afhayeenka madaxtooyadu aanu war-saxaafadeedka uu ka soo saaray socdaalkaasi aanu ku xusin in madaxweyne Rayaale sii mari doono una hoyan doono magaalo madaxda dalka Djibouti oo la sheegay in safarkiisa oo uu u adeegsaday diyaarad khaasa oo ay shirkada Daallo Airline leedahay, taas oo magaalo madaxda dalka Ethiopia ee Addis-ababa qorshihiisu ahaa inuu halkaasi ka raaco diyaarad toos ah oo dalka UK ugu socdaalo, inkasta oo aan ilaa hadda la ogayn waxyaabaha sababay in madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu ay ku sii hakadaan dalka Djibouti oo la sheegay in caawa saacadaha fiidka isaga iyo weftigiisu ay ka duuli doonaan madaarka Djibouti una socdaali doonaan magaalo madaxda Ethiopia ee Addis-ababa, haddana waxa shaki weyni ka dhashay dareenada iyo dhaqdhaqaaqyada u dambeeyey ee masuuliyiinta maamulka Somaliland ay baryahan dambe ugu socdaalayeen dalka Djibouti oo wakhtigan xaadirka ah xarun u ah dhismaha dawlada Somalia ee dhawaan lagu soo cumaamaday Sheekh Shariif Sh. Axmed, inkasta oo baryahan dambe xidhiidhka Somaliland iyo jabuuti uu ka soo fiicnaanayey sida uu ahaa wakhtiyadii hore hadana waxay dawlada Djibouti muddooyinkan dambe si weyn ugu jajaban tahay maamulada Somalia oo ay geed iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay mar uun u sal dhigi lahayd dawlad midnimo Soomaaliyeed oo ka dhalata koonfurta Somalia, taas oo maamulka u dambeeyey ee lagu soo dhisay dalkaasi ee uu hogaamiyaha u yahay Sheekh Shariif lagu soo daray shakhsiyaad Somaliland ka soo jeedda oo mansabyo waaweyn looga dhiibay maamulkaasi lana sheegay in hogaanka Djibouti door weyn ku lahaa talada ay shakhsiyaadkaasi Somaliland kaga mid noqdeen maamulka Sh. Shariif,
waxaana muddadii maamulkaasi la soo dhisay masuuliyiinta xukuumada Somaliland ka soo yeedhay hadalo shaki iyo walaac weyn ku abuuray shacbiga Somaliland gaar ahaan hadalkii madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin uu ku hambalyeeyey maamulka Sh. Shariif oo uu tilmaamay in maamulkaasi si weyn uga duwan yahay maamuladii hore ee Somalia loo soo dhisi jirey, marka arrimahaasi iyo dhaqdhaqaaqyada xukuumada Somaliland ee ay baryahan dambe ugu socdaalayaan dalalka Dibadaha ayaan wax wara aanay ka haynin halka siyaasada khaarajigu marayso iyo cilaaqaadyada dalalka dibadaha ay la soo gasho xukuumaddu kaas oo distoorka Qarankuna xukuumadda ku waajibinayo in golayaasha Baarlamaanka ay warbixin ka siiyaan hadba halka ay siyaasadu marayso iyo xidhiidhada ku wajahan dalalka caalamka balse xukuumadu iyo madaxweyne toona marnaba ma hor imanin goleyaasha baarlamaanka si ay warbixin uga siiyaan socdaalada ay muddooyinkan dambe iyo dhaqdhaqaaqyada ku wajahan dalalka yurub, afrika ayaa u muuqda kuwo mugdi badani ku wareegsan yahay sirta dhabta ah ee ku hoos duugan oo loo baahnaa in xukuumaddu goleyaasha baarlamaanka iyo shacbigaba ay xogwaran faahfaahsan ka siiso halka ay marayso siyaasada khaarajiga iyo duruufaha ku xeeran socdaalada loo baxayo ee aan wax natiijo ahi aanay ka soo bixin balse shaki weyn uun ku abuura ummadda.

Hadal iyo murti waxay shaki ku abuuraysaa dadweynaha reer Somaliland socdaalka uu madaxweyne Rayaale iyo weftigiisu ay ku joogaan magaalo madaxda Djibouti, iyadoon horena loo sii sheegin in weftigoodu Djibouti joogi doono, balse lagu sheegay in weftigu si toosa ugu ambabixi doono dalka UK.
Inkastoo xidhiidh wanaagsani inaga dhexeeyo Djabouti hadana tan iyo intii maamulka shariif loogu soo dhisay dalkaasi waxaa la joojiyey in lagu galo Pass port ka Somaliland dalkaasi, iyadoo rag siyaasiyiin ah oo dalka sharaf ku leh loo diiday inay dalka ku galaan Passa porta Somaliland oo ay siteen.

Faallo: Maxamed Sagax

source:Haatuf

No comments: