Thursday, July 31, 2008

Shariif Axmed: Waxaan rabnaa in Shacabka ay helaan Nabad



 
 

Sent to you by Ahmed via Google Reader:

 
 

via Horseed Media by mahad on 7/28/08

Jabuuti(HR Media):- Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed ayaa soo saaray Baaq uu ku dhiiri gelinayo in la taageero nabadeynta iyo xabada joojin ka dhacda dalka Soomaaliya, isla markaana ku baaqayo in la fuliyo qodobadii ku qornaa heshiiskii 9kii June ee ka dhacay Jabuuti.

Shiikh Shariif ayaa ugu baaqay dhamaan kooxaha Soomaaliya in ay taageeraan Xabad joojintii lagu xusay heshiiskii Dowlada Soomaaliya iyo Isbaheysiga ku dhexmaray magaalada Jabuuti bishii lasoo dhaafay ee June.

Shiikha ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in si deg degleh looga saaro dalka Soomaaliya Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan dalka kuwaasi oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan ummada Soomaaliyeed.

Shiikh Shariif Axmed ayaa xusay waxa ka danbeeyey go'aankii ay u qaateen nabada, asagoo sheegay in dadka iyo shacabka Soomaaliyeed la doonayaan in ay dhibka ka baxaan isla markaana fursad u helaan nabad iyo degenaansho kusoo noqota dalka Soomaaliya.

Wuxuuna hogaamiyaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta sheegay in ay dhinacooda ku dadaalayaan sidii ay u meel marin lahaayeen qodobadii ay saxiixeen, inkastoo uu yiri waxaanu ka xunahay in isbaheysiga laba garab u kala jabo taasi oo uu ku sheegay nasiib xumo.

Horseed Media


 
 

Things you can do from here:

 
 

No comments: