Thursday, July 31, 2008

Cadde Muuse ayaa magacaabey Wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland.



 
 

Sent to you by Ahmed via Google Reader:

 
 

via Horseed Media by Editor on 7/28/08

Cabdixamiid Garaad Jaamac Wasiirka Arimaha Gudaha ee PuntlandCabdixamiid Garaad Jaamac Wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Maxamuud Muuse Xirsi ayaa soosaarey wareegto uu ku magacaabayo Wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland, Wareegtadan oo Lanbarkeeda lagu sheegay 28 kuna mudeysan 28.July 2008da ayaa loogu magacaabey Cabdixamiid Garaad Jaamac Wasiirka Arimaha Gudaha.

CabdiXamiid Garaad Jaamac ayaa ah siyaasi ka soo jeeda Gobolka Sool horeyna u noqdey Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawlada iskiid isu taagtey ee Somaliland.
Wasriikii hore ee shaqo jojinta lagu sameeyay muddo sii horeysey Dr. Cabdirashiid Barkhad Warsame ayaa wareegtadan loogu magacaabey Lataliyaha Madaxweynaha ee arimaha Gobolka Sool.

Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa ahayd muddooyinkii u danbeeyay meel aan shaqo ka socon kadib markii wasiirkii hore ee wasaardu Axmed Cabdi Xaabsade uu u galay maamulka Somaliland, iyada oo wasiirkii la bedeley ee Dr. Cabdirashiid Barkhad Warsame lagu sameeyay shaqo joojin kadib markii hanaan socodka wasaarada uu soo galay khilaaf.


 
 

Things you can do from here:

 
 

No comments: