Thursday, July 31, 2008

Lamaana Jarmalka ah ee afduubka lagu heysto oo ka hadlay xaaladooda



 
 

Sent to you by Ahmed via Google Reader:

 
 

via Horseed Media by mahad on 7/28/08

Laas Qoray(HR Media):- Labada ruux ee afduubka loogu heysto buuraha Sanaag ee Calmadow ayaa u waramay mid kamid ah Wargeysyada kasoo baxa dalka Jarmalka, ayagoo ka warbixiyey xaaladooda isla markaana baaq u soo jeediyey dowladooda.

Labada qof oo kala ah nin iyo haweenay isqaba oo lagu afduubay xeebaha dalka Yemen kadib markii ay qafaasheen koox Burcad badeed Soomaali ah ayaa hada lagu heystaa buuraha Calmadow ayadoo muddo todobaadyo ah lagu dadaalayey in laga siidayao kooxahaasi heysta.

Kooxda Afduubka ku heysta dadkan ayaa codsaday min 1 milyan oo dollar qofkiiba in laga siiyo ayagoo sheegay inaysan sii deyn doonin lamaanahan ayadoo ay horey Issimada gobalka Sanaag ku baaqeen in lasii daayo ajnabigaasi.

Labada oo wareysi dhinaca telefonka ku siiyey jariirada Der Spiegel ee dalka Jarmalka kasoo baxda ayaa sheegay in ay xaaladooda ay tahay mid aad u adag isla markaana daawooyinkii ay qaadan jireen ay ka dhamaadeen, ayna ku hareeraysan yihiin kooxo dhalinyaro hubeysan oo ay ku sheegeen in ay gaarayaan afartameeyo.

Labada ajnabi ayaa ugu baaqay dowlada Jarmalka in ay xoojiso dadaalka lagu doonayo in lagu siidaayo ayagoo sheegay in ay safaarada Kenya ee dalka Jarmalka ka codsanayaan in ay wax ka qabato xaaladooda.

Waa markii ugu horeysay oo ay wareysi noocaan ah bixiyaan labada qof ee afduubka lagu heysto ayadoo ay horey labadaasi shaqsi ay booqasho ugu tageen dad ka shaqeeya hay'ado, balse illaa iyo hada ma jirin xiriir toos ah oo ay saxaafada ulla yeesheen.

Illaa iyo hada dhinaca dalka Jarmalka ayaan laga bixin wax lacag ah taasi oo lafteeda keentay in ay sii dheeraato wakhtiga dadkan afduubka loo heysto, ayadoo sidoo kale marar badan uu maamulka Puntland sheegay in aan wax madax furasho ah kooxahaasi lasiin.

Waxaan sidoo kale lagu guuleysan hawlgalkii militari oo ay ciidamada Puntland wadeen kadib markii ay cuqaasha iyo issimada gobalka Sanaag codsadeen in aan wax weerar ah lagu qaadin kooxaha dhufeyska uga jira buuraha Calmadow, ayna ayagu ka shaqeyn doonaan in si nabad ah dadkan lagu soosii daayo, walow aan dadaalkaasi odayaasha aan weli lagu guuleysan.

Horseed Media


 
 

Things you can do from here:

 
 

No comments: