Saturday, October 4, 2008

Ciidanka Nabadsugida ee Somaliland oo qorshaynaya Qarax & Dilsiyaasadeed

Hargeisa/4Oct.2008:-Warar xogogaala oo ka liigay sarakiil ka tirsan ciidanka nabadsugida Somaliland waxay rabaan dadka inay badbaadiyaan taasina ay ku iman karto in wadanka loo sameeyo caddow ummada lagu jeediyo oo dusha laga saaro falkan.
Dilka waxaa lala beegsan doonaa Madax iyo xildhibano u badan xisbiga Kulmiye sida sirtu u fakatay.warkan waxaa soo tabiyey sarkaal ka tirsan Ciidanka nabadsugida somaliland oo diiday in magaciisa la sheego. markaana taageerayaasha xisbiga Kulmiye ay sameeyaan argoosi la beegsado xildhibaano ka tirsan Xisbiga UDUB arrintuna faraha ka baxdo ooy noqoto meel aan rabay roob ma igu eryaday.
Muddo dhowr bilooda oo isdaba jooga waxaa yurup booqasho ku imanayey saraakiil ka tirsan ciidanka nabadsugida ee Somaliland oo marka sarakiishani timaado wadamada Yurup waxay la kulmaan waaxda dhabargooynta Islaamka tawxiidka adag .

Qarax iyo dilsiyaasadeed oo lala beegsado dadyoow magac iyo sharaf ku leh darka siyaasada Soomaliland laga shubo wuxuu yahay mid wajaha in xibiga Udub sii hayo talada waddanka iyo jufooyin ka soo jeeda Barriga Somaliland lagu tilmaamo argagaxiso qarsoon oon ishu qaban.
arintan markii la dhameeyey qorshaheeda waxaa la abaabulay diyaar garow in ciidanka poliska dhamaan la taxo jidadka u dhaxeeya Borama - Hargeisa. Hargaysa-Burco.dadweynuhuna ay la yaaban yihiin waxa keenay ciidanka tirada badan.
Wadamo badan ayaa isticmaala xirfadan marka dhaqaaluhu xumado iyo marka siyasaada hogaanku xumaato si loo sameeyo dhibaato dadka lagu jeediyo mudooyin.
Reer Somalindoow hadaba la socda sheekadan hadhoow ha odhan la iima sheegin

source:saylicipress.net
Abdi Ali
Hargaisa

No comments: