Friday, August 8, 2008

via Horseed Media by mahad on 08/08/08

New York(HR Media):- Wakiilka Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Soomaaliya Ahmed Oulad Cabdallah ayaa qoraal uu uga hadlayo safaradiisa iyo waxqabadkiisa intuu ku sugnaa Xarunta New York usoo diray Shacabweynaha Soomaaliyeed si ay ulla socdaan wararka ugu danbeeyey ee dhinaca Qaramada Midoobay iyo dadaalada nabadeed.

Hadaba Qoralaka Ahmed Oulad Cabdallah ayaa sidan u qornaa:

………………………………………………………………………………….

Warqad ku socota Soomalidda qurbaha ku nool

………………………………………………………………………………….

Asalaamu Alaikum

Hadaad xasuusatan waxaan idiin soo diray warbixin bishii Juun kas oo ka dambeeyey booqashadaydii London halkas oo aan kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed. Maantana waxaan idiin soo dirayaa warbixin taasoo ka dambeysay booqahsadii aan dhowaan ku tagay Magaalooyinka New York, Washington iyo Minyabolis ( 21-31, July 2008).

Golaha Amaanka ee fadhiguusu yahay New York, wuxuu maalin gelinkeedii hore oo dhan uu ka lahaa dood furan arrimaha Soomaliya. Ka dibna wuxuu arrinta ka yeeshay fadhi albaadada u xiran yihiin. Xubnaha Golaha Amaanka waxay si dhab ah u danaynayaan geedi socodka nabadda ayagoo isla markaasina si hoose ula soconayaan xaaladda. Dhammaanteena waxaan wada-ogsoonahay in Golaha Ammaanka uu yahay Hay'adda ugu weyn ee dhinaca go'aan ka gaarista arrimaha duunida. Haddaba, waxaa aad noo dhiirigelinayaa danayntoota cusub ee uu goluhu danaynayo arrimaha Soomaliya. Dawladda Federaaliaga Ku-Meel Gaarka, (TFG) iyo Jabhadda Dib U Xureynta Soomaaliya (ARS) waxay la kulmeen Golaha Ammaanka ayagoo isla socda matalayaana Soomaaliya.

Magaalada Washington waxaan hadal waxtar leh kula yeeshay Condoleeza Rice, Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Ku- xigeenkeeda John Negroponte, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Arrimaha Afrikaanka, Jendayi Frazer, Agaasimaha Sare ee Arrimaha Nabadgelyada Qaranka, Bobby Pittman iyo Saraakiil Sar-sare oo dhammaantooda muujiye taageerada ay u hayaan heshiiskii Djibouti. Fadlan eeg lifaaqa halkan ku xiran si aad war dheeraad uga heshid arrintan.

Magaalada Minyabolis waxaa ku nool Jaaliyad Soomaaliyed oo ku fir-fircoon arrimmaha bulshada iyo ganacsiga, waxaan kulan aad u wanaagsan la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo aad u ballaaran, fir-fircoon, deeqsi iyo waddaniyiinba ah. Waxaan dhammaantayada wada yeelanay kulan saraaxad leh. Shirka waxaa ka soo qayb galay dad ugu yaraan laba-boqol kor u dhaafay kana kala yimid min Kalifooniya ilaa Illonois inta u dhexeesa. Waxaan ka aqoonsaday dadkaasi saaxiib iyo Safiir hore ee dadka Soomaaliyeed u fadhin jiray magaalada Brussels-Belgium 1970dii. Waxaa kale oo ayaduna farxad lehayd inaan arko in ka badan 1/3 ee ka soo qayb galeyaasha ay ahaayeen haweyn. Nasiib darro, waqtiga oo koobnaa dartii nooma ayna suurta gelin inaan si mug leh ooga wada-hadalno dhammaan arrimihii muhiimadda lahaa. Si kasta ahaatee, waa in aan joogteeyna xiriirkeena, waxaan qorsheynayaa inaan booqdo kale si aan ula kulmo dadka ku nool dalka Mareykanka iyo Kanada. Dhiiri gelin xoog leh ayey u hayeen dadka halkaas jooga arrimaha nabad gelyada iyo dib u heshiisiinta.

Waxaa socda dadaal si tallaabo-tallaaba leh loogu hirgelinaayo heshiiskii Djibouti. TFG iyo ARS labaduba waxay soo gudbiyeen magacyadii xubnihii uga qaybgeli lahaa Guddigii Nabad gelyada iyo Guddigii Sare ee Arrimaha Siyaasadda, arrimahaas oo waafaqsan qodobada 8aad iyo 9aad ee heshiiskii. Waxaan rajeynayaa in shirarka ugu horeya labada Guddi ay qabsoomaan usbuuca soo socda, lagana yaabo in ay ku qabsoomaan Djibouti.

Sida aad la socotaan, Dawladda Federaalka Ku-meel gaarka ah waxaa waqti dhow ragaadiye arrimo gudaheeda ah, laakiin Dawladdu waxay ku dhegentahay qaybna ka tahay meel marinta geedi socodka nabadda. Waxaan la hadlay madaxda, sida Madaxweynaha, Af-hayenka Baarlamaanka, Raisul- Wasaaraha iyo Jaalleyashooda u dhow-dhow. Waxaana muuqata in arrintii u weynaa ee la isku hayey hadda la xalliyay. Waxaa soo dhoweyn muddan, taageeridda iyo geesinimo gelinta joogtada leh ee aad ka geysantaan arrintan. Soomaaliya waxay u baahantahay garab xoog leh oo taageera. Dadka Soomaaliyeed dulqaad umma hayaan hadda dhibaatadii horay dalka uga jirtay, maxaa yeelay muddadii kumeelgaarka waxaa ka haray wax aan sannad kabadneen. Iskaashi iyo nabad ka wada-shaqeyn uun baa ah waddada keli ya ee furan mustaqbalka.

Waxaa nasiib darro ah, sii wadidda waxyeelidda ummadda, sida dilkii bahalnimada lahaa ee lagu dilay haweynkii aan waxba galabsan oo ayagoo nadiifinaayo waddooyinka Xamar lagu dilay. Gebi ahaanba arrintan ma'aha mid la oggolaan karo.

Guud ahaan dadka Soomaaliyed waxay dhowraan amma ilaaliyaan ballan qaadyadooda. Annaguna, haddii aanu nahay bulshada caalamka waxaanu ka jawaabeyna dadaalka dadka Soomaaliyed, bacdamaa, soo celinta nabadda iyo kala dambeynta la rabay in ay dhacdo mar hore. Taasoo dadka Soomaaliyeed oo dhibaatada haysatay oo keliya aannu dan u ahayn, balse ay la wadaagaan ummadaha ku nool Gobolka iyo dhammaan bulshada caalamkuba.

Soomaaliddu waa in ay dhowrtaa midnimadeeda si ay u gaarto hadaf keeda. Markii aan Minyabbolis joogay waxaan xusuusiyey dadk Soomaaliyeed waxa ay nafarayso aayadda 103 ee Suratul-Cimraan- ee Quraanak kariimka ah. Haddaba maanta waxaan fariinteyda ku soo geba-gabaynayaa waxyaalaha suuraddaas nafarayso. Suuraddaas oo ummadda farayso in ay xarigga ILAAHAY qabsadaan ayagoo midaysan.

NB: Mudadii uu booqashada ku marayay magaalooyinka Maraykanka, SRSG iiga, waxaa mogaca Haweenka Soomaaliyeed ee qurba jooga ah lagu guddonsiiyay shahaaddo sharaf muujinaysa sida ay raali oogu yihiin Haweenka geedi socodka nabadda uu waddo.

Walaalkiina Ahmedou


No comments: