Friday, August 8, 2008

via WAAJID by waajid on 08/08/08


Muqdisho: Ra,isulwasaraha XFKS Nuur Xasan Xusein Nur Cade oo maanta la hadlay mid ka mid ah idaacdaha Muqdisho ayaa sheegay qilaafka ugu weyn ee ka dhex taagan madaxda sare ee Dowlada in uu ku qotomo arinta dib uheshiisiinta,Sidii guryahooda loogu soo celin lahaa dadka ka barabaxay magaalada Muqdisho iyo dib ufurida wadooyinka xirxiran iminka ee gudaha magaalada Muqdisho.

Mr Nur Cade ayaa sheegay in loom bareeray sidii loo carqaladeyn lahaa hananka dib uheshiisiinta ee ay xukumadiisa biloowday laakin lagu gul dareeystay sida uu hadlka udhigay isaga oo ka leexleeday cida taakada ku heysa dib uheshiisinta .

Ra,isulwasaaraha waxaa uu ku adkeeystay in barnamijka dib uheshiisiinta ay wado xukumadiisa in u yahay barnamijka kaliyah ee Soomalia nabd buuxda ukeeni karo waxaana uu ku faanay in haatan ay gaareen natiijo horu udhac ah mar hadii ay heshiis la galeen Mucaaradka sida uu hadalka udhigay.

Mar uu ka hadlayey Ra,isulwasaaraha qilaafka soo kal dhex galay isaga iyo madxweeynaha ayaa waxaa uu qiray in uu kiro qilaaf soo kala dhex galay labadooda laakin waxaa uu meesha ka saaray in qilaafkaasi uu yahay mid aad uweyn oo lagu kala tagi karo.

Nur Cade waxaa uu walaac ka muujiyey xaalada ay ku jiraan kumanaan qoys oo soomaali ah oo ka barakacay magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in ay isagu dhibeeyso in Shacabka Muqdisho ka qaxay ay maanta ku noolaadaan meel aan ku habooneyn oo cuduro iyo dhibaatooyin ay ka dhaln karaan.

Ra,isulwasaaraha ayaa ugu baaqay dadkaasi in ay muujiyaan dulqaad waxaana uu ubalan qaaday in uu dib ugu soo celin doono guryahooda sida uu hadlka udhigay.

Mar uu ka hadlayey Mr Nur Cade qoraal uu dhawaan soo saaray Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka C/llaahi Daahir Barre, kaasi oo uu xusnaa qodob sheegayay in Ra'iisal Wasaaraha uu ku qaldanaa xil ka qaadistii uu ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Dheere, waxaa uu Ra'iisal Wasaaraha uu sheegay in Xeer ilaaliyaha uusan shaqo ku lahayn in uu ka hadlo arrimaha is-heysadka madaxda Dowladda, arrintaasna ay khuseyn lahayd Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka, oo sida uu yiri aan haatan dhisneyn.

Xeer Ilaaliyaha ayuu ugu baaqay Ra'isal Wasaare Nuur Cadde in uusan sameynin wax sharciga ka hor imaanaya, wuxuuna sheegay in Xeer ilaaliyaha howshiisa ay tahay kaliya in uu sharciga ilaaliyo, isla markaana dacwado soo oogo marka dembiyo la galo

Hadalka Ra,isulwsaare Nur Cadde ayaa waxaa uu kusoo beegmay xilli uu jiro qilaaf baahsan oo udhaxeeyo isaga iyo Madxweeyne C/llahi Yusuf Axmed.


No comments: