Monday, December 29, 2008

Soo dhaweyntii Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Warbixin Faah faahsan (Sawiro + Waraysiyo)

Soo dhaweyntii Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Warbixin Faah faahsan (Sawiro + Waraysiyo)

Monday, December 29th, 2008 at 6:40 pm

Ujeedada safarkiisa: Halkan ka dhegayso
Cabdullaahi oo la hadlay Dadweynaha: Halkan ka dhegayso
Xildhibaan Weyrax oo la  socdey oo noo waramay: Halkan ka dhegayso

ex_president

Madaxweynihii Hore Ee DKMG ah Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa maanta markii uu Baydhabo kaga dhawaaqay in uu xilkii iska casilay waxaa uu dib ugu laabtya Magaalada Garowe Caasimada Punltand halkaasi oo siweyn loogu soo dhoweeyey.

Soo dhoweynta Madaxweynihii hore ee DKMG ah Cabdulaahi Yusuf Axmed oo la'aronkaro waa tii ugu balaarnayd ee loo sameeyo Mudane Yusuf xitaa marka lagu daro wakhtigii uu xilka hayey ayaa waxaa ka qayb qaatay maamulka iyo shacabka reer Puntland .

Amaanka caasimada puntland ayaa aad loo adkeeyey wakhtigii ay kasoo duushay Baydhabo diyaarada waday madaxweynihii hore ee somalia Cabdulaahi Yusuf   Axmed , waxaana ku diyaar garoobay Garoonka Kanoko ee duleedka Garowe dadweyne fara badan oo soo dhoweynta ka qayb qaadanayey

Markii ay soo caga dhigatay Garoonka Kanoko diyaarada Mudane  Cabdulaahi Yusuf  Axmed waday ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyey masuuliyiintii dhinaca Maamulka Punltand  oo ay horkacayaa Madaxweyne Cadde Musse Xirsi iyo ku Xigeenkiisa Xasan Daahir maxamud iyo badi xubnihii Golaha Xukuumada Puntland

Soo dhoweynta waxaa sidoo kale ka qayb qaadanayey xubno ka tirsanaa Barlimaanka DKMG ah oo kasoo jeeda deeganada Punltand kuwaasi oo ay ka midyihiin Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalle iyo Xildhibaan Cali Baashe oo isagu u sharaxan Madaxweynaha Puntland doorashadan Soo Socota .

Amaanka Garoonka ayaa ahaa mid aad loo adkeeyey waxaana Mudane Y usuf socdaalkiisa ku weheliya keliya Maxamud Yusuf Weyrax oo hore uga mid ahaa xildhibaanada Barlimaanka DKMG ah laakiinse xilkiisa ka Degay markii uusoo shaacbaxay khilaafka Cabdulaahi Yusuf iyo Nuur Cadde .

Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa salaamaay dadkii sida weyn usoo dhoweeyey oo ay ugu horeaan Masuuliyiinta dhinaca Maamulka Puntland waxaana uu saxaafada ula hadlay si kooban ujeeda socdaalkiisa isagoo sharaxaya ayuu Mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed Yiri " Ula jeedada Socdaalkaygu waxaa weeye, Markii aan shirkii dib u heshiisiinta 6 sano ka hor aan aadayey dhulkan ayaan ka tegay , haatana anigoo xil hayn oo Xor ah in aan ku soo noqdo oo dadkayga aan la mid ahaado weeye ujeedadaydu"

Intaasi ka dib waxaa Madaxweynihii hore ee DKMG ah lasoo gelbiyey dhinaca Magaalada Garowe halkaasi oo dadku ay wadada dhinaceeda isi soo tubaan si ay uga qayb qaataan soo dhoweynta Mudane Yusuf, waxaana uu si toos ah u tegay  Madaxtooyada halkaasi oo dadku safdheer u galeen in ay soo salaamaan Madaxweynihii hore ee Somalia .

Mudane Yusuf ayaa Banaanka xarunta Madaxtooyada ugu soo baxay dad weyne isa soo hor dhoobay Madaxtooyada Garowe si ay dareenkooda soo dhoweyneed u muujiyaan waxaana uu halkaasi Cabdulaahi Yusuf ka yiri Kalmad la mid ah tii uu saxaafada ku siiyey Garoonka Kanoko "aad iyo aad ayaan idiin salaamayaa lix-Sano ka hor idinkaan idinka tegay , anoo i dinka mid ah ayaan idiin soo noqday waana idin salaamay " .

Madaxweyne Cadde Muse Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Mr Yusuf ayaa xarunta Madaxtooyada kulan ku qaatay , waxaana halkaasi goob joog ahaa qaar ka mid ah Xubnaha golaha wakiilada ee Puntland, waxaana lagu wadaa in dhowaan uu Cabdulaahi Yusuf Axmed saxaafada si faah faahsan ula hadlo.

Mudane Cabdullaahi Yusuf  ayaa soo gaaray Garowe daqiiqado ka dib markii uu Baydhabo kaga dhawaaqay in uu iska casilay Xilkii Madaxtinimo ee DKMG ah, isagoo sheegay in uusan doonayn in loo arko nin caqabad ku ah nabada somalia.

No comments: