Friday, February 20, 2009

Faalo Golaha Wasiirada Cusub

Faalo Golaha Wasiirada Cusub
 

 
 
Cumar Cabdirashid Cali-Sharmarke
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya
Dowladdani waxay ka kooban tahay 36 Wasiir, oo ay ka mid yihiin saddex Wasiir oo Haween ah.

Si ay Wasaraduhu sidaa ugu fara bataan, waxaa muuqata in Wasaaradaha qaarkood loo kala jebiyay laba ama saddex Wasaaradood. Sida Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo la kala qaaday, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo kala ah laba Wasaaradood, Gadiidka Badda oo Wasaarad ah, halka Gadiidka Dhulka iyo Cirkuna Wasaarad kale yahay.

Arrimaha Dibadda waxaa loo magacaabay, Maxamed Cabdullaahi Oomaar, iyada oo Cabdiraxmaan Cabdishakuurna uu noqday, Iskaashiga Caalamiga ah, Arrimaha Gudaha waxaa qabtay Cabdulqaadir Cali Cumar, iyada oo ammaankana uu Hayo Cumar Xaashi Aden.

Difaaca waxaa loo dhiibay Prof Maxamed Cabdi Gaandi, oo ah nin dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah ka soo jeeda, horena aan loogu aqoon arrimaha Difaaca iyo Ammaanka toona.

Wasiirka Dalxiiska ayaa ka mid ah wasaaradaha la magacaabay, waxaana lagu aamminay Maxamed Xuseen Siciid.

Liiska waxaa ku wada jira labadii dhinac ee heshiiska ku wada saxiixday magaalada Djibouti, laakiin kuma jiraan kooxihii markii hore ka jabay Isbahaysiga mucaaradka ahaa iyo Maxkamadihii. Si kale haddii loo dhigo kuma jiraan Isbahaysiga mucaaradka ee la baxay Jabhadda Islaamiga iyo Shabaab.

Wasiirrada la magacaabay waxaa ka mid ah qaar badan oo markii ugu horreeyay Wasiir noqday haba u badnaadeen kuwa ka soo jeeda dhinicii hore mucaaradka u ahaa.

Wejiyadii hore loogu yaqaannay hey'adaha Federaalka ee KMG-ka ah ee hadda ka mid noqday Golaha Wasiirrada ee galabta Djibouti looga dhawaaqay, waxaa ka mid ah qaar ku jiray xukuumaddii Nuur Xasan Xuseen iyo kuwo ku jiray xukuumaddii Cali Maxamed Geeddi.

Wasiirradaa waxaa ka mid ah, Farxaan Cali Maxamuud, Maxamed Cabdi Xayir, Khadiija Maxamed Diiriye, Qamar, , Shaati Guduud, Jengeli, Juriille, Xaabsade, Cabdalla Boos iyo Madoobe Nuunow oo loo magacaabay Wasaarado kala duwan.

Dhinaca mucaaradka mas'uuliyiintii Isbahaysigii dib u xoreynta, ayaa waxaa ka muuqda in lagu taxay jagooyin badan oo cul culus.

Cabdiraxman, Aden Ibbi, Shariif Xasan Shiikh Aden, Cabdiraxmaan Cabdishakur, Cabdiraxman Janaqow, Cumar Xaashi, Cabdulqaadir Cali Cumar iyo qaar kale oo badan ayaa dhammaantood Wasiirro noqday.

Wasiirradan faraha badan waxaa laga dhex heli karaa dad badan oo Waddaniyad iyo tayo aqooneedba leh, iyada oo ay dadka qaar wax iska waydiin karaan xubnaha wasiirada loo magacaabay qaarkood, kartida ay u yeelan karaan in ay hawshooda gutaan, haddii ay noqon lahayd aqoontooda oo kooban iyo khibrad la'aan dartood.

 

No comments: